Man United Oo Doonaysa Xiddig Horay Ugu Soo Ciyaaray.

Manchester United ayaa muujisay xiisaha ay u qabto inay dib ula soo saxiixato daafaca dambeedka midig ee Tottenham Sergio Reguilon, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

- Advertisement -

Reguilon waxa uu United amaah kaga soo biiray Spurs bishii September ee la soo dhaafay ka dib markii ay kooxdu dhaawac ku wayday Luke Shaw iyo Tyrell Malacia, taasoo ka dhigtay in aanay kooxda ku jirin daafac bidix.

Amaahdaas ayaa la soo gaabiyay bishii January iyadoo ciyaaryahanka reer Spain uu qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka ku qaatay Brentford.

Da’yarkii hore ee Real Madrid hal sano ayaa uga haray qandaraaskiisa Tottenham laakiin haatan waxa uu diyaar u yahay in uu si joogto ah uga tago kooxda xagaagan.

Dookhyadiisa ayaa ah inuu sii joogo Premier League, si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa lagu sheegay in labada kooxood ee Man Utd iyo West Ham United ay xiiseynayaan saxiixa 27 jirkaan xagaagan.

Reguilon ayaa 12 kulan u saftay United, todobo kamid ah waxa uu kusoo bilowday, ka hor inta aan la joojin amaahdiisa bishii January.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More