Troy Deeney Oo Saadaaliyey Afarta Kooxood Ee Kaalmaha Ugu

Weeraryahnaka kooxda kubadda cagta Watford ee Troy Deeney  ayaa saadaaliyey afarta kooxood ee kaalmaha ugu sarreeya horyaalka Premier League ku dhamaysan doona xili ciyaareedkan.

Troy Deeney oo ay kooxdiisu heerka labaad ee Championship u degtay xili ciyaareedkii hore ayaa waxa uu saadaashiisa bixiyey sannad ay aad iskugu dhow yihiin kooxuhu oo naadiyadii la filayay inay koobka hanan doonaan ay dhibaatooyin dhexda kaga jiraan.

Liverpool oo koobka difaacanaysa ayaa lumisay saadaashii caddaanka ahayd ee xili ciyaareedkan markii ay Aston Villa xasuuqa u geysatay, isla markaana ku jiidhay 7-2, sidoo kalena ay Everton iyo Manchester City babarraha ku qabteen.

Manchester City ayaa iyaduna fadhida kaalinta 10aad, inkasta oo ay Liverpool la wadaagaysay saadaasha xili ciyaareedka.

Troy Deeney oo u warramayay TalkSports ayaa waxa uu ka farxiyey kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Tottenham oo uu u sheegay inay boosaskooda afarta sare ee tartanka Champions League diyaar yihiin, balse ay ka xigto inay sii shaqeeyaan.

Laakiin waxa uu intaba ka sarraysiiyey Liverpool oo uu sheegay inay yihiin naadiga dhamaadka xili ciyaareedka kaalinta koowaad fadhiyi doona ee koobkana qaadan doona, halka Manchester United uu gebi ahaanba ka tuuray liiska afarta sare, waxaanu yidhi: “Shaqsiyan, waxay ila tahay in afarta sare ay noqon doonaan Spurs, Liverpool, Chelsea iyo City.

“Waxa kale oo ay ila tahay in Liverpool ay ku guuleysan doonto horyaalka; Man City ay kaalinta labaad geli doonto, halka Spurs iyo Chelsea ay kusii kala xigi doonaan.”

Troy Deeney ayaa intaa kaddib la weydiiyey difaacii ugu adkaa ee uu ka hor tegay intii uu kubadda ciyaarayay, waxaanu yidhi: “Difaacii ugu fiicnaa ee aan ka hor tegay intii aan xirfadda ku jiray wuxuu ahaa Vincent Kompany. Wuu dheerayn jiray, xoogganaa iyo inuu ahaa hoggaamiye.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More