Tobanka Saxeex Ee Ugu Waaweyn Ee La Filayo Inay Dhacaan Muddada Ka

Bisha August ayay haystaan kooxuhu si ay usoo iibsadaan ciyaartooyo ay isku xoojiyaan, laakiin horyaallada qaarkood ayuu suuqa iibku ka xidhmi doonaa iyadoo aanay bishu dhamaanin, halka horyaalka Premier League uu haysto illaa daqiiqadda ugu dambaysa ee August.

Xiddigo waaweyn ayaa la filayaa in muddada ka hadhay suuqa iibka ciyaartoyda, waxaana ugu cadcad kooxaha horyaalka Premier League ee ay ka mid yihiin Manchester City iyo Chelsea, halka PSG oo horyaalka Faransiiska ah ay  ay naawilayso inay samayso saxeexyo kale oo waaweyn, iyadoo horena uga adeegatay suuqa.

Tababare Pep Guardiola ayaa rajaynaya in uu lasoo wareego xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee Jack Grealish oo ay dalabkii ugu horreeyey oo 100 milyan oo Gini ah ka gudbiyeen, sidoo kalena waxay wali ku raad-joogaan weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane.

Chelsea ayaa iyaduna aan ka rajo dhigin xiddiga reer Norway ee Erling Haaland oo ay wali rajaynayso in ay lasoo saxeexdaan xagaagan, inkasta oo saansaanta hadda muuqata ay muujinayso in aanay macquul ahayn suuqa hadda ee waqtigii uu xidhmayay bishu ka hadhsan tahay.

Arsenal ayaa ku jirta kooxaha ciyaartoyda doonaysa, waxaanay hore gacanta ugu dhigtay oo xaalxaal yar u hadhsan tahay dhamaystirka saxeexa difaaca reer England ee Ben White, sidoo kalena Martin Odegaard oo Real Madrid ka tirsan ayay fursad u haysataa.

Halkan kaga bogo tobanka saxeex ee waaweyn ee la filayo inay dhacaan xagaagan

1. Erling Haaland => Chelsea

2. Paul Pogba => Paris Saint-Germain

3. Ben White => Arsenal

4. Harry Kane => Manchester City

5. Jules Kounde => Chelsea

6. James Maddison => Arsenal

7. Martin Odegaard => Arsenal

8. Cristiano Ronaldo => Paris Saint-Germain

9. Kieran Trippier => Manchester United

10. Jack Grealish => Manchester City

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More