Thomas Tuchel Oo Go’aan Ka Gaarey Mustaqbalka Timo Werner Xilli Ay

Thomas Tuchel ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo dhowaan ay soo baxeen wearar sheegaya in ay doonayso kooxda reer Spain ee Real Madrid, isla markaana uu ka tegayo Chelsea.

Timo Werner ayaa Stamford Bridge ku qaatay xilli ciyaareed adag isagoo xagaagii hore £53 milyan oo Gini ugaga soo wareegay RB Leipzig, waxaana kaliya uu dhaliyey lix gool oo horyaalka Premier League ah.

Laacibkan ayaa lumiyey tiro fursado waaweyn oo dahabi ah, waxaana uu la kulmay dhalleecayn badan oo saxaafadda iyo ciyaaryahannadii hore ee kubadda cagta intaba ah, iyadoo 14 kulan oo Premier League ah oo uu saftay intii u dhxysay November illa February aanu wax gool ah dhalin.

Inkasta oo aanu ahayn mid ku fiicnaa dhamaystirka, haddana waxa uu caawiye ka noqday 15 gool oo dhamaan tartamada ah oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdiisu dhaliyeen, waxaanu qayb ka ahaa safkii ku guuleystay tartanka Champions League.

Tababaraha cusub ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa la sheegay in uu doonayo inuu la saxeexo Timo Werner, halka Chelsea ay raadsanayso weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo Borussia Dortmund u ciyaara, kaas oo haddii uu yimaaddo Stamford Bridge ay boos la’aani ku dhici doonto Werner.

Si kastaba, Thomas Tuchel ayaa go’aan ku gaadhay in Timo Werner uu sii joogo Chelsea oo aanu meelnaba uga bixin, isagoo rumaysan in xilli ciyaareedka dambe uu kaalin weyn ka qaadan doono kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More