Thiago Silva Oo Sheegay LABADA Daafac Ee “Professors-ka” Ah

Daafaca dhexe ahna ruug-caddaaga ree Brazil iyo kooxda Chelsea ee Thiago Silva ayaa ka hadlay laba daafac dhexe oo tusaale uga soo ahaa kubadda cagta xilli uu ku dhaw yahay dhammaadka xirfadiisa.

Thiago Silva ayaa hadda ku maqan waajibadkiisa qaran ee xulka Brazil waxaana uu hada ka hadlay xirfadiisa ciyaareed iyo arrimo badan oo ku saabsan.

Silva ayaa sheegay in dal kastaa uu leeyahay hab gaar ah oo uu kubadda cagta u arko balse uu isagu kusoo koray waxbadana kusoo bartay ciyaaryahan ahaan dalka Talyaaniga oo aad looga tix-geliyo falsafada daafacashada.

Dhinaca kale 36 sano jirkaas ayaa sheegay inuu arday u yahay oo ay Professors u ahaayeen halyeeyada Maldini iyo Nesta oo uu AC Milan kala soo ciyaaray.

Silva oo arrimhaas ka hadlaya ayaa yidhi “Dalkasta waxa uu leeyahay qaabkiisa gaarka ah ee uu u arko kubadda cagta”

“Waxaan in badan kusoo koray Talyaaniga, mid kamida dugsiyada ugu wanaagsan ee daafacyada iyo wajiga difaacashada kubadda cagta, bilawgii waayahayga ciyaareed waxaan ahaa mid nasiib ku leh inaan ka ag ciyaaro laba Professor”

“Waxaan la ciyaaray Maldini kaddib waxaan haystay fursada aan kula ciyaarayo Nesta, waxaan iyaga la ciyaaray laba sano wakhtigaasna wax badan baan bartay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More