Tartanka Gooldhalinta Horyaalada Premier League, La Liga,

Xilli ciyaareedyada horyaalada Yurub ayaa weli bilow ah iyadoo horyaalka ugu kulamada badan la ciyaaray kaliya 10 kulan.

Tartanka gooldhalinta ee horyaalada ugu waa weyn Yurub ayaa ah mid xiiso leh oo si weyn la isagu dhow yahay.

Horyaalka Premier League afar xiddig ayaa hogaanka isla heysa ka hor kulamada la ciyaarayo todobaadkan, iyagoo dhaliyay min sideed gool.

Jamie Vardy, Son Heung-min, Calvert-Lewin iyo Mohamed Salah ayaa hogaanka isla haya halka Bamford iyo Harry Kane ay ku daba joogaan.

Kala Sareynta Gooldhalinta Premier League:

8 gool – Jamie Vardy (Leicester City), Son Heung-min (Tottenham), Calvert-Lewin (Everton), Mohamed Salah (Liverpool)

7 gool – Patrick Bamford (Leeds), Harry Kane (Tottenham)

6 gool – Ollie Watkins (Aston Villa), Calum Wilson (Newcastle)

5 gool – Bruno Fernandes (Man United), Danny Ings (Southampton), Wilfried Zaha (Crystal Palace)

Dhanka horyaalka Talyaaniga waxaa sideed gool ku hogaaminaya weeraryahan waayo araga ah Zlatan Ibrahimovic kaasoo kaliya shan kulan oo horyaalka Serie A ciyaaray.

Waxaa ku raad jooga weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo oo lix gool dhaliyay halka xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Torino oo lagu magacaabo Belotti uu leeyahay lix gool.

Kala Sareynta Gooldhalinta Serie A

8 gool –  Ibrahimovic Z (Milan)

6 gool – Belotti A (Torino), Ronaldo C (Juventus)

5 gool – Caputo F (Sassuolo), Joao Pedro (Cagliari), Lukaku R (Inter), Simeone G (Cagliari)

4 gool – Castrovilli G (Fiorentina), Gomez A (Atalanta), Lozano H (Napoli), Martinez L (Inter), Muriel L (Atalanta), Quagliarella F (Sampdoria), Soriano R (Bologna), Veretout J (Roma)

Horyaalka La Liga waxaa meesha ka maqan xiddigii looga bartay inay ku tartamaan kabta dahabka horyaalka Spain iyadoo lix gool uu hogaanka ku hayo weeraryahanka Real Sociedad Oyarzabal, waxaa ku soo xiga weeraryahanada Atletico Madrid Luis Suarez iyo Joao Felix iyo xiddiga Villarreal Paco Alcacer oo min shan gool leh.

Messi wuxuu ku jiraa kaalinta 15aad isagoo leh kaliya seddex gool.

Kala Sareynta Gooldhalinta La Liga

6 gool – Oyarzabal (Real Sociedad)

5 gool – Luis Suarez (Atletico), Joao Felix (Atletico), Paco Alcacer (Villarreal)

4 gool – Carlos Soler (Valencia), Ansu Fati (Barcelona), Gerard (Villarreal), Karim Benzema (Real Madrid), Morales (Levante), Iago Aspas (Villarreal) Portu (Real Sociedad), Tello (Real Betis)

Horyaalka Bundesliga waxaa iska heysta xiddiga Bayern Munich oo durbaba 11 gool ku hogaaminaya isagoo afar gool ka sareeya xiddiga ku soo xiga ee kooxda Bayer Leverkusen Lucas Alario iyadoo xiddiga Dortmund Erling Haaland uu leeyahay lix gool.

Kala Sareynta Gooldhalinta Bundesliga

11 gool – Robert Lewandowski (Bayern Munich)

7 gool – Lucas Alario (Bayer Leverkusen)

6 gool – Erling Haaland (Dortmund), Kramaric (Hoffenhiem)

5 gool – Andre Silva (Frankfurt)

Horyaalka Faransiiska waxaa sideed gool ku hogaaminaya xiddiga kooxda Reims, Boulaye Dia iyadoo uu ku soo xiga xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe oo leh todoba gool.

Kala Sareynta Gooldhalinta Ligue 1

8 gool – Boulaye Dia (Reims)

7 gool – Kylian Mbappe (PSG)

6 gool – Burak Yilmaz (Lille), Ben Yedder (Monaco), Ibrahima Niane (Metz)

5 gool – Memphis Depay (Lyon)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More