Tababaraha Chelsea Ee Thomas Tuchel Oo Jawaab Ka Bixiyey Shaqada Laga

Jose Mourinho iyo dhamaan shaqaalihiisii ayaa subaxnimadii saaka oo Isniin ah laga caydhiyey shaqada Tottenham, kaddib markii ay kooxdaasi u degtay kaalinta toddobaad, isla markaana ay shan dhibcood lumiyeen labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka.

Tottenham ayaa soo martay xilli ciyaareed adag oo ay koox yari bishii hore ka reebtay tartanka Europa League, ayna adag tahay in ay qayb ka noqoto Champions League xilli ciyaareedka dambe, laakiin waxay Axadda la ciyaari lahayd Manchester City finalka tartanka EFL Cup.

Shaqo ka caydhinta Mourinho ayaa ku soo beegantay waqti xaasaasi ah oo ay taagan tahay sheekada horyaalka cusub ee ay kooxaha waaweyn ee Spurs ku jirto oo tiradoodu tahay 12 ay samaysanayaan, kaas oo loogu magac-daray ‘European Super League’.

Sidoo kale, caydhinta ayaa kusoo aadday maalmo kooban ka hor ciyaarta finalka Carabao Cup/ EFL Cup ee ay Man City la ciyaari lahaayeen.

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka fal-celiyey in Tottenham ay waqtigan shaqada ka eriday Jose Mourinho, waxaanu yidhi: “Ha badnaato ama ha yaraato, anigu mar walba layaab ayay igu noqotaa marka tababare shaqada laga eryo.

“Waxaanu dhamaantayo nahay tartameyaal, waxaananu isku daynaa in midba midka kale ka badiyo, laakiin ugu dambaynta waxaanu tababare walba u rajaynaa jawi wanaagsan, xaalad wanaagsan iyo goob shaqo oo fiican.

“Ma jiro tababare dareemaya wanaag marka la caydhiyo mid kale, laakiin aniga shaqadayda maaha in aan ka hadlo taas.

“Qof walba si adag ayuu ugu dagaallamaa natiijooyinka, marka uu yimaaddo go’aan adag oo sidan oo kale, layaab ayay ahayd. Haddii aan si daacad ah u hadlo maan filaynin in ay hadda dhacdo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More