Taariikha Ay Soo Laabaneyso Xamaasadii Premier League Oo Si

Taageerayaasha isboortiga ee Britain ayaa ku laaban doona garoomada 2da bisha December iyadoo ra’isal wasaaraha UK uu ansixiyay sharciyo lagu dabcinayo xakameynta Korona Fayras ka hor ciida gaalada.

Marka uu soo dhamaado bandowga haatan la geliyo Britain waxaa taageerayaasha loo ogolaan doonaa inay xaadiraan kulamada Premier Legaue iyo dhacdooyinka kale ee isboortiga.

Tiro cayimar oo taageerayaal ah ayaa loo ogolaan doonaa inay galaan garoomada si ay u soo celiyaan xamaasada isboortiga gaar ahaan kubada cagta oo ay u garab istaagaan kooxahooda.

Taageerayaasha isboortiga looma ogoleyn inay kooxahooda ku daawadaan garoonka tan iyo bishii Maarso.

Taageerayaasha Brighton ayaa loo ogolaaday inay daawadaan kulan saaxiibtinimo oo ay kooxdooda la ciyaartay Chelsea dhamaadkii bishii Agoosto.

Laakiin ma jirto koox kale oo Premier League ah oo loo ogolaaday taageerayaal tan iyo tijaabadii kulankaas la sameeyay.

Gobolada uu ku yar yahay Korona Fayras waxaa garoomada loo ogolaan doonaa inay galaan 4 kun taageerayaal ah halka gobolada uu dhexdhexaadka ku yahay loo ogolaan doono 2 kun taageerayaal ah.

Gobolada uu sida weyn u saameynayo cudurka looma ogolaan doono inay gabi ahaanba taageerayaal galaan garoomada.

Kaliya labo kooxood oo Premier League ah Brighton iyo Southampton ayaa ka dhisan meelo loo arko inuu saameynta cudurka ku yar yahay, waxaana loo ogolaan doonaa 4 kun taageerayaal ah.

Labada kooxood ayaa 5ta December ciyaari doona waxayna noqon doontaa kulan ay taageerayaasha daawan doonaan.

Kooxo badan oo ka dhisan Waqooyiga UK ayaa ku sii ciyaari doona garoomo faaruq ah madaama degaanada Waqooyi uu si ba’an u saameynayo cudurka Korona Fayras islamarkaana bandowga uu sii saarnaan doono.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More