Sky Sports activities Oo Soo Saaray Saadaasha Kulamada Premier League Ee

Telefishanka Sky Sports activities ayaa saadaaliyey kulamada 34aad ee horyaalka Premier League, kuwaas oo natiijooyinkoodu ay noqon doonaan kuwo go’aamiya boosaska ay kooxaha qaarkood kaga dhamaysanayaan horyaalka xilli-ciyaareedkan.

Liverpool oo ku jirta kaalinta toddobaad, afar dhibcoodna ka dambaysa Chelsea oo afraad ku jirta ayaa u safri doonta magaalada Manchester, iyadoo garoonka Previous Trafford marqi ugu noqon doonta Manchester United.

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu u dagaallami doontaa guul si ay ugu soo dhowaan karto kaalmaha sare xilli afar kulan oo kali ahi hadhsanaan doonaan, laakiin haddii guul-darro amaba barbarro ay keento, waxay macasalaamayn doonaan tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, sababtoo ah approach adag tahay in Chelsea ay lumiso toddoba ama shan dhibcood afarta ciyaarood ee u hadhay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa  isaguna muujin doona horumarka ay kooxdiisu samaysay xilli ciyaareedkan iyo in ay u qalmaan in kaalinta labaad ay ku dhamaystaan, waxaanay wax walba u samayn doonaan sidii ay Liverpool rajo la’aan uga dhigi lahaayeen maadaama ay ka dhaxayso cadaawad guun ah.

Khabiirka Sky Sports activities ee Jones Is aware of oo xilli ciyaareedkan sameeya saadaasha toddobaadlaha ah ee horyaalka waxa uu kulanka Manchester United iyo Liverpool ku saadaaliyey, in Jurgen Klopp uu xilli ciyaareedkiisu ku dhamaan doono garoonka Previous Trafford oo ay guul-darro kala soo laaban doonaan.

Laakiin Leeds United oo kaalinta saddexaad fadhida, hal dhibicna ka horreysa Chelsea ayuu Jones Is aware of  sheegay in ay guul-darro kala soo kulmayso ciyaarta caawa ay martida ugu tahay Southampton, taas oo haddii ay run noqoto kaalinta saddexaad ay Chelsea soo geli doonto.

Arsenal ayaa iyadana uu Jones Is aware of  ugu sii bushaareeyey guul-darro ay kala soo kulmi doonto Newcastle United, halka Tottenham ay booska ka riixan doonto Liverpool oo ay guul kasoo heli doonto Sheffield United.

Saadaasha Sky Sports activities ee kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League:

Southampton 2-1 Leicester

Crystal Palace 0-1 Manchester Metropolis

Brighton 1-2 Leeds

Chelsea 1-0 Fulham

Everton 1-0 Aston Villa

Newcastle 2-1 Arsenal

Manchester United 3-2 Liverpool

Tottenham 2-0 Sheffield United

West Brom 0-1 Wolves

Burnley 2-1 West Ham

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More