Sir Jim Ratcliffe, Prince Mohammed Iyo Afarta Maalqabeen Ee Iibsanaya

Cahdigii mulkiilenimo ee qoyska reer Glazers  ee Manchester United ayaa soo dhamaaday, waxaana ugu dambayntii ay ogolaadeen in ay iibiyaan kooxda kaddib mudaharaadyadii taageereyaasha kooxdaasi ku doonayeen in qoyskan reer Maraykan ay faraha kala baxaan nadiga.

Kaddib rabshadihii dhacay xalay fiidkii ee ay taageereyaashu sameeyeen, isla markaana qasabka ku joojiyeen ciyaartii Manchester United iyo Liverpool ee garoonka Previous Trafford ka dhici lahayd, Glazers ayay warbaahinta Ingiriisku sheegtay in ay go’aamiyeen in ay u hoggaansamaan dalabka taageereyaasha oo ay iska iibiyaan kooxdan.

Su’aasha taagan ayaa se waxay tahay, yaa noqon doona mulkiilaha cusub ee Manchester United?

Afar qof ayaa midkood  noqon doonaa mulkiilaha cusub ee Manchester United, sida ay warbaahinta Ingirisku maanta sheegeen, waxaana la xaqiijinayaa in qoyskii tan iyo 2006 iska lahaa kooxdan ee reer Glazers ay faraha kala baxayaan naadiga.

Prince Mohammed bin Salman

Wargeyska Each day Star ayaa maanta boggiisa hore ku daabacay afarta maalqabeen ee midkood noqonayo mulkiilaha cusub ee Manchester United, waxaana ugu horreeya Prince Mohammed bin Salman oo ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, ahna ninka sida dadban u maamula waddankaas.

Prince Mohammed bin Salman ayaa sannadkii 2019 waxa uu u dhowaaday in uu iibsado Newcastle United taas oo illaa hadda ku jirta qorshihiisa, laakiin waxa kale oo uu isku dayay in uu Manchester United na iibsado.

Dhaxal-sugaha ayaa la sheegay in uu diyaar la yahay lacag dhan £3.5 bilyan oo Gini oo uu Manchester United ku iibsanayo.

Hore ayay u kulmeen qoyska reer Glazer iyagoo isku dayay in ay kooxda ka iibsadaan sannadkii hore ee 2019 markaas oo mulkiileyaashani ku adkaysteen in aanay iibinayn.

Haddii ay qoyska reer Glazers go’aansadeen in ay iibiyaan, Mohammed bin Salman ayaa ah murashaxa koowaad ee la filayo in uu noqdo mulkiilaha cusub ee kooxdan.

Sir Jim Ratcliffe

Waa ninka ugu taajirsan Britain oo dhan, waxaana hantida uu haysto lagu qiyaasaa in ay ka badan tahay £20 bilyan oo Gini.

Taageereyaasha Manchester United ayaa la sheegay in ay doonayaan in Sir Jim Ratcliffe uu iibsado kooxda, si mulkiyaddu ugu soo noqoto Ingiriiska oo ajaanibku meesha uga  baxaan.

Fan possession

Sannadkii 2010 ayay shirkaddani isku dayday in ay iibsato Manchester United, laakiin qoyska reer Glazers ayay heshiin waayeen, ugu dambayntiina mar kale ayay damacooda soo cusboonaysiinayaan mar haddii Glazers ay go’aansadeen in ay iibiyaan kooxda.

SPAC

Shirkadda Particular Function Acquisition Firm (SPAC) ayaa jeeg madhan u dhiibaysa mulkiileyaasha Manchester United si ay ugu qortaan lacagta ay doonayaan in ay ku iibiyaan.

SPAC ayaa la sheegay in ayaa la tartami doonta saddexda sare ee suurtogalka ay tahay in ay iibsadaan Manchester United, laakiin qoyska reer Glazers ayaa dooran doona cidda lacagta ugu badan la timaadda.

Si kastaba, Manchester United ayaa iyadoo iib ah suuqa timid waqti dunida dhaqaale darro ka jirto oo Fayraska Korona uu saamayn badan adduunyada ku yeeshay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More