Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Real Betis – Zidane Oo Shax

Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano waxay ku martigelinaysaa Real Betis, kulan xaasaasi ah oo ay u baahan yihiin guul ay ugu laabtaan hoggaanka horyaalka oo ay si ku-meelgaadh ah xiddigaha Zidane ugu sii fadhiyi doonto illaa ay Atletico Madrid soo badinayso kulankeeda usbuuca.

Zinedine Zidane ayaa doonaya in kooxdiisu guul ka keento horyaalka LaLiga ka  hor inta aanay bilaabin isku-diyaarinta ciyaarta Semi-finalka Champions League ee toddobaadkan.

Xiddiga reer Croatia ee Luka Modric oo kasoo laabtay dhaawac uu ciyaartii hore ku maqnaa ayaa kusoo bilowday khadka dhexe, waxaanay iskaashanayaan Casemiro iyo Isco.

Zidane ayaa isbeddel ku sameeyey afka hore ee weerarka iyo difaaca, waxaana uu Karim Benzema ku lammaanaysiiyey Rodrygo iyo Marco Asensio, iyadoo uu kaydka dhigay Vinicius Junior si uu ugu sii nasto ciyaarta Chelsea ee semi-finalka Champions League.

Difaaca reer Spain ee Dani Carvajal oo kasoo laabtay dhaawac ayaa kusoo bilowday dhinaca midig, halka Nacho uu tegay difaaca bidix, iyadoo difaaca dhexena ay joogaan Eder Militao iyo Raphael Varane.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Courtois, Carvajal, Militao, Varane, Nacho, Casemiro, Modric, Isco, Rodrygo, Asensio, Benzema.

Real Betis XI: Bravo, Emerson, Mandi, Ruiz, Alex, Guido, Guardado, Canales, Joaquin, Ruibal, Iglesias.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More