Shaxda Manchester United Ee Kulanka West Brom Xilli Ay Ka

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kasii fikiraya shaxda uu Sabtida kala hor tegi doono West Brom Albion, waxaana walaac ku haya dersin ciyaartoydiisa oo dhaawac ah iyo kuwo kale oo daal kala soo laaban doona kulamada caalamiga ah.

United ayaa 3-1 ku garaacday Everton kulankii ugu dambeeyey horyaalka, waxaanay guushaas kaga nefistay culayskii badnaa iyo khasaarihii iskugu xig-xigay ee kasoo gaadhay horyaalka iyo tartanka Champions League.

Kulanka soo socda, Eric Bailly iyo Jesse Lingard ayaa labaduba ku maqnaan doona dhaawacyo ay muddo qabeen oo aanay wali taam ka noqonin, illaa haddana may bilaabin tababarka soo kabashada.

Difaaca bidix ee Luke Shaw ayaa isaguna ugu yaraan muddo bil ah garoomada kaga maqnaanaya dhaawac muruqa ah oo kasoo gaadhay ciyaartii Everton ee Goodison Park, waxaana uu hore u seegay kulamadii xulka qaranka England ee UEFA Nations League iyo saaxiibtinimo.

Laakiin weeraryahanka Marcus Rashford oo isaguna wax ku noqday kulanka Everton oo awoodi waayey inuu qarankiisa u ciyaaro ayaa shaki ku jiraa inuu taam u noqon doono kulankaas.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in ciyaartan uu heli doono laacibka reer Brazil ee Alex Telles oo markii labaad uu ku dhacay Korona Fayras, balse haddii uu laacibkani taam noqon waayo, waxa booskaas ka ciyaari doona Brandan Williams.

Waxa kale oo taam ahaanshihiisa laga dayrinayaa difaaca dhexe ee Victor Lindelof, taas oo fursad siin doonta Axel Tuanzebe.

Fred iyo McTominay ayaa filaya inay khadka dhexe kusoo wada bilowdaan, sidoo kalena Martial oo nastay uu helo fursad uu mar kale isku muujiyo, halka Bruno Fernandes aan booskiisa laga furfuri doonin haddii aanay dhibaato ku imanin.

Edinson Cavani ayaa isaguna rajaynaya inuu faa’iidaysto dhaawaca Rashford iyo sidoo kale Greenwood oo canaan la loo jeedinayay, isla markaana uu kulankiisii ugu horreeyey ugu soo bilowdo Manchester United.

Shaxda suurtogalka ah ee Manchester United kula ciyaari doonto West Brom

Man United XI: De Gea; Wan-Bissaka, Tuanzebe, Maguire, Williams; Fred, McTominay; Mata, Fernandes, Martial; Cavani.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More