Shaxda Everton – Chelsea – Ancelotti

Carlo Ancelotti ayaa shax adag ku wajahaya Chelsea kulanka ka dhacaya Goodison Park, kaasoo uu rajeynayo inuu ku hogaamin doono seddex dhibcood.

Frank Lampard, oo kooxdiisu ay la wareegeyso hogaanka horyaalka hadii ay guuleysato, ayaa ku soo bilaabay safka ugu adag ee Olivier Giroud laakiin Christian Pulisic ayaa gabi ahaanba la maqan dhaawac keyd ah.

Labada xiddig ee reer Jarmal Kai Havertz iyo Timo Werner ayaa safka hore la wadaagaya Giroud, halka Mason Mount, Kante iyo Kovacic ay dhexda ku wada jiraan.

Blues sidoo kale waxaa dhaawac kaga maqan Hudson-Odoi iyo Hakim Ziyech.

Waxaa daafacaya Thiago Silva iyo Zouma, halka dhinacyada ay yihiin Ben Chilwell, James iyo Mendy.

Ciyaar yahanka reer Talyaani ee Jorginho ayaa kursiga keydka la fadhiya Abraham, Azpilicueta, Gilmour, Rudiguer iyo Kepa Arrizabalaga.

Everton ayaa heysata koox xoogan oo ay hogaaminayaan weeraryahanada Richarlison iyo Calvert-Lewin, iyadoo Doucoure, Sigurdsson, Allan iyo Iwobi.

Saxiixa cusub ee kooxda Everton James Rodriguez ayaa dhaawac ku seegaya kulankaan.

Shaxda rasmiga ah ee labada koox

XI Chelsea: Mendy, Chilwell, James, Thiago, Zouma, Kovacic, Kante, Mount, Havertz, Werner, Giroud.

Kaydka: Arrizabalaga, Rudiger, Jorginho, Abraham, Gilmour, Azpilicueta, Anjorin.

XI: Everton XI: Pickford, Keane, Holgate, Mina, Godfrey, Iwobi, Allan, Doucoure, Sigurdsson, Richarlison, Calvert-Lewin.

Kaydka: Olsen, Kenny, Tosun, Bernard, Gomes, Gordon, Davies.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More