Shaxda England Ay Kala Hortagayso Croatia Oo Lasii Ogaaday & Southgate

Waxa shaaca laga qaaday shaxda uu xulka qaranka England galabta kala hortagi karo dhigiisa Croatia, xulashadan ayaa walow aysan rasmi ahayn haddana durtaba ay jamaahiirta dalkaasi ka cabanayaan.

Saxafiga caanka ah ee David Ornstein oo ah midka shaxda helay ayaan goolhayaha uu Southgate kusoo shirtagayo sheegin balse xusay in xulku uu shax afar daafac ah ku ciyaari doono halkii laga filayay shax shan daafac ah oo saddex daafac dhexe ku jiraan.

Labada daafac dhexe ayaa noqon doono John Stones iyo Tyrone Mings oo kasoo hormari doona Conor Coady iyo Ben White halka ay labada daafac garab noqon doonaan Kyle Walker iyo Kieran Trippier.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in xulka oo ay ka tirsan yihiin Luke Shaw iyo Benjamin Chilwell oo kamida daafacyada bidix ee ugu wanaagsan dunida uu bedelkooda tababare Southgate daafaca bidix u adeegsanayo Trippier.

Southgate ayaa shaxdani hordhaca ahi ay sheegaysaa inuu laba khad dhexe bur-buriye ku wada ciyaari doono oo kala ah Declan Rice iyo Kalvin Phillips.

Saddexda xiddig ee weerarka ku caawin doona Harry Kane ayaa kala ah Phil Foden, Raheem Sterling iyo Mason Mount taas oo meesha ka saaraysa Jack Grealish oo si weyn loo filayay inuu kusoo bilaaban doono si lamid ah Marcus Rashford iyo Bukayo Saka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More