Shaxda Adag Ee Manchester United Ay Ku Ciyaari Doonto Kaddib

Edinson Cavani iyo Alex Telles ayaa kasoo muuqan kara kulanka ugu soo horreeya ee Manchester United ee horyaalka Premier oo ay la ballansan yihiin Newcastle United marka laga soo laabto toddobaadka fasaxa ay horyaalladu ku jiraan ee ciyaaraha caalamiga ah lagu maqan yahay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa labadan ciyaartoy kusoo bilaabi kara safkiisa kulanka Magpies ee October 17 oo ay u halgami doonaan inay jidka guusha kusoo laabtaan kaddib burburkii 6-1 ahaa ee Tottenham ay Axaddii ugu geysatay isla garoonkooda Old Trafford.

Difaaca Manchester United ayaan degganayn ciyaartii lixda laga dhaliyey, waxaana la saadaalinayaa in la kala daadin doono afartii ciyaartii u dambaysay iska garab ciyaarayay, isla markaana weerarka isbeddel lagu samayn doono.

Solskjaer ayaa lagu dhalleeceeyey in kooxdiisu tahay mid kala daadsan, waxaana xaaladdiisa kasii daraysa in Anthony Martial uu ganaax kaga maqnaan doono kulanka St James’ Park ay ugu tegayaan Newcastle, kaddib casaankii lagu siiyey dhirbaaxo uu afka kaga dhuftay Erik Lamela.

Saddex ciyaarood oo kaliya oo horyaalka Premier League ay ciyaartay Manchester United waxa laga dhaliyey 11 gool, waana musiibo aan saadaasheeda la garanayn, balse goolhaye David de Gea ayaa sii xajisan doona booskiisa, halka difaaca midigna aan laga furfuri doonin Aaron Wan-Bissaka, balse dhinaca bidix ayuu nasiimo u baahan yahay Luke Shaw oo ay tahay in lagu beddelo Alex Telles oo FC Porto ay kala soo saxeexdeen.

Sidoo kale, Victor Lindelof ayaa kusoo laaban doona booskiisa maadaama uu ciyaartii Tottenham bandhig musiibo ahaa la yimid Eric Bailly oo kusoo bilowday.

Donny van de Beek oo kaydka uu la bartay Soslkajer ayay isagana tahay inuu kusoo bilaabo oo uu kaydka dhigo Paul Pogba ama Nemanja Matic, halka Fernandes uu yahay lama taabtaan oo uu booska No.10 ka ciyaari doono.

Mason Greenwood iyo Marcus Rashford ayay boosaskoodu damaanad buuxda haystaan, balse waxa dhexdooda istaagi doona Cavani oo kulankiisii ugu horreeyey kusoo bilaaban doona tan iyo March 11 oo ahayd xilligii la joojiyey ciyaaraha Ligue 1. Waxa kale oo ay u noqon doontaa kulankii ugu horreeyey ee uu Manchester United u safto.

Waa tan shaxda adag ee Manchester United ay ku ciyaari karto

Shaxda Labaad ee uu Solskjaer ku ciyaari karo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More