Shaxda Adag Ee Ay Liverpool Kala Hortagi Doonta Leicester

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shax adag soo safi kara kulanka ay Axada la ciyaarayaan kooxda hogaamineysa horyaalka ee Leicester City ka dib markii ay tababarka ku soo laabteen qaar ka mid ah xiddigihii dhaawaca uga maqnaa.

Thiago Alcantara, Fabinho iyo Andy Robertson ayaa intuba tartan igu jira inay saftaan kulanka Axada ee Anfield halka inkastoon Jordan Henderson uu tababarka ku soo laabtay hadana Liverpool ayaa xaqiijisay inuu seegayo kulanka Leicester City

Alisson ayaa goolka ku jiri doona ka dib markii uu ahaa bedel aan la isticmaalin labadii kulan ee ay Brazil ciyaartay.

James Milner ayay u badan tahay inuu booska daafaca midig ka geli doono Neco Williams ka dib markii uu dhaawacmay Trent Alexander-Arnold.

Williams ayaa wacdarro u dhigay xulka Wales laakiin khibrada Milner ayaa ka caawin doonta Reds inuu hor istaago weerarka Leicester City waa haddii aan waayo aragaan khadka dhexe loo istcimaalin.

Daafaca dhexe, Joel Matip oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ayaa taam u ah inuu safto Axada madaama uu nastay.

Fabinho ayaa la filayaa inuu daafac dhexe ka garab dheeli doono Matip haddii uu taam buuxda noqdo. Haddii kale Nat Phillips ama Rhys Williams ayaa ku soo bilaaban doona.

Daafac bidix Andy Robertson ayaa dheeli doona isagoo ka bogsaday dhaawacii looga baqayay.

Khadka dhexe Thiago Alcantara iyo Naby Keita ayaa la filayaa inay ku wehliyaan Gini Wijnaldum.

Curtis Jones ayaa isagana rajo qaba haddii Thiago uu ku soo bilaaban waayo shaxda.

Weerarka, waxaa hubaal ah inuu seegayo Mohamed Salah oo uu ku dhacay Korona Fayras.

Taasoo la micno ah in Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Diogo Jota inay ku soo bilaaban doonaan.

Inkastoo ay xiddigo dhowr ah ka maqan yihiin Liverpool hadana shaxdaan hoose waa mid adag:

Liverpool XI: Alisson; Milner, Fabinho, Matip, Robertson; Keita, Thiago, Wijnaldum; Mane, Firmino, Jota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More