Shaxaha Rasmiga Ah Ee Switzerland vs Spain – Enrique Oo Shaxdiisii

Wareegga semi-finalka tartanka Euro ayaa caawa kulamadiisii koowaad la ciyaarayaa, waxaana soo bixi doona laba waddan, laba kalena way hadhi doonaan.

Spain iyo Switzerland ayaa noqonaya kuwa ugu horreeya ee ku kala baxa marxaladdan ee midkood u gudbo afar dhamaadka, halka uu kan kalena dalkiisa dib ugu noqonayo.

Labadan dal ayaa waxay marxaladdii hore kasoo kala adkaadeen France iyo Croatia.

Tababare Luis Enrique ayaa ciyaartan kusoo bilaabay Alvaro Morata, Ferran Torres iyo Sarabai oo afka hore ee weerarka ka wada ciyaaraya, halka khadka dhexena ay wada taagan yihiin Koke, Busquets iyo Pedi. Difaaca ayay wada taagan yihiin Cesar Azpilicueta, Laporte, Pau Torres iyo Jordi Alba.

Switzerland waxa iyagana ugu soo bilowday Xherdan Shaqiri, Zuber, Rodriguez, Seferovic iyo Zakaria, hase yeeshee waxa aan ku jirin Xhaka.

Shaxaha rasmiga ah ee Switzerland vs Spain

SWITZERLAND XI: Sommer, Widmer, Elvedi, Akanji, Rodriguez, Zuber, Zakaria, Freuler, Shaqiri, Embolo, Seferovic

Kaydka: Mvogo, Kobel, Mbabu, Vargas, Sow, Fassnacht, Benito, Gavranovic, Fernandes, Schar, Comert, Lotomba

SPAIN XI: Unai Simon, Azpilicueta, Laporte, P Torres, Alba, Koke, Busquets, Pedri, F Torres, Sarabia, Morata

Kaydka: De Gea, Sanchez, D Llorente, M Llorente, Gerard Moreno, Thiago, Eric Garcia, Gaya, Rodri, Olmo, Traore, Oyarzabal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More