SHAN Xiddig + Ozil & Sokratis Oo Ka Maqan Liiska Ciyaaryahanadda

SHAN Ciyaartoy oo afar ka mid ah ay muhiim yihiin iyo Mesut Ozil oo aan liiska kooxdaba ku jirin ayaa ka maqan Arsenal kulanka caawa fiidka ay la ciyaarayso Manchester United.

Gunners ayaa kusoo laabanaysa garoomada saddex maalmood kaddib markii ay 3-0 kaga soo badisay Dundalk, kulan ka tirsanaa tartanka Europa League, taas oo uu Mikel Arteta isbeddel badan ku sameeyey safkiisa si ay taam ugu noqdaan ciyaarta caawa.

Tababaraha reer Spain oo warbaahinta la hadlayay ka hor kulanka Manchester United ayaa waxa  uu amaan u jeediyey kooxda kasoo horjeedda oo uu tilmaamay inay haystaan ciyaartooyo badan oo tayo leh, isla markaana ay qaabka ay ku ciyaarayaan marba si u beddeli karayaan.

“Waxay ku ciyaari karaan laba ama saddex qaab oo kala duwan. Waynu ognahay inay wax beddelayeen, sababtoo ah kooxaha ay la ciyaarayeen, sababtoo ah tayada ciyaartoyda ay haystaan iyo mararka qaarkood oo ay ciyaarta ay waqtiyo gaar ah beddelayeen.” Ayuu yidhi Mikel Arteta.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Tan iyo intii ciyaaruhu go’doonka galeen, Ole waxa uu maareeyey inuu horumar badan sameeyo, waxaanad taas arki doontaan dhamaadka xili ciyaareedka, tirada goolasha ay dhaliyaan iyo qaabka ay goolasha u dhaliyaan.”

Kooxdiisa ayuu sheegay inay si fiican iskugu diyaarisay kulankan, waxaanu yidhi: “Waa inaanu isku diyaarino sababtoo ah waxay leeyihiin la qabsigaa, waxay haystaan koox weyn oo afka hore ay dookhyo badan iyo kala-doorashooyin kala duwan ku haystaan.”

Arsenal waxa ciyaartan dhaawac kaga maqan shanta ciyaartoy ee David Luiz, Pablo Mari, Rob Holding, Gabriel Martinelli iyo Matt Macey, halka Sokratis Papastathopoulos iyo Mesut Ozil aanay kulankan ciyaari karin maadaama laga reebay liiskii loo gudbiyey Premier League.

Sidoo kale, Calum Chambers oo tababarka kusoo laabtay kaddib dhaawac jilibka ahaa oo uu muddo ku maqnaa ayaan lagu soo darin liiska kooxda, balse waxa jooga laacibiinta uu ugu kalsoonida badan yahay Arteta, sida Hector Bellerin, Alexandre Lacazette, Bukayo Saka, Thomas Partey iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo dhamaantood la nasiyey ciyaartii Europa League ee Dundalk.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Arsenal ee Mikel Arteta usoo xushay Kulanka Man United:

Goolka Bernd Leno, Alex Runarsson

Difaaca Hector Bellerin, Kieran Tierney, William Saliba, Gabriel, Cedric, Shkodran Mustafi, Sead Kolasinac

Dhexda: Bukayo Saka, Dani Ceballos, Ainsley Maitland-Niles, Thomas Partey, Mohamed Elneny, Joe Willock, Emile Smith Rowe, Granit Xhaka

Weerarka: Alexandre Lacazette, Willian, Pierre-Emerick Aubameyang, Nicolas Pepe, Reiss Nelson, Eddie Nketiah

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More