SHAN Xiddig Oo Harry Kane Kula Tartamaya Abaal-marinta Kabta Dahabka

Harry Kane ayaa raadinaya in uu ku guuleysto abaal-marinta KABTA DAHABKA ah ee tartankii labaad ee caalami ah ee weyn marka uu bilowdo tartanka qaramada Yurub ee caawa la daah-furayo.

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa ahaa ciyaartoygii ugu goolasha badnaa Koobkii Adduunka 2018 lagu qabtay Ruushka, iyadoo goolashiisuna sababeen in Ingiriisku yimaaddo semi-finalka oo Croatia ay ku reebtay.

Laacibkan Tottenham oo xuddun u ah hadal-haynta suuqa ee xagaagan, iyadoo kooxo badan ay raadinayaan sidii ay u heli lahaayeen xilli uu isaguna bixiyey ishaaro ah inuu ka tegayo Tottenham, ayaa waxa uu isagu diiradda saarayaa sidii uu ugu guuleysan lahaa kabta dahabka ah ee qaramada Yurub, dalkiisana uu guul ugu horseedi lahaa.

Harry Kane ayaa koobkii adduunka 2018 waxa uu dhaliyey lix gool, waxaanu sidaas ugu guuleystay Kabta dahabka ah, laakiin haddii uu ku darsado midka qaramada Yurub, waxay u noqonaysaa sannad faxadeed sababtoo ah hore ayuu usoo qaatay abaal-marinta  kabta dahabka Premier League iyo kubbad-sameeyaha ugu wanaagsan ba.

Haddaba, waa kuwee ciyaaryahannada kabta dahabka ah kula dagaallamaya Harry Kane?

Shan ciyaartoy oo kale ayaa la filayaa inay noqdaan kuwa hanan karaya abaal-marinta kabta dahabka ee gool-dhalinta Euro, waxaana ugu soo horreeya Kylian Mbappe oo afka hore uga ciyaara Faransiiska xilli ciyaareed uu goolal badan saxeexayna soo qaatay.

Mbappe oo lagu tilmaamo inuu orod ahaan ka dheereeyo Usain Bolt oo looga dameeyo orodka 100ka mitir, waxa uu ahaa xiddigii rikoodhada jabiyey Koobkii Adduunka 2018 ee dhaafay Pele.

Hadda oo uu 22 jir yahay, waxa uu kusoo guuleystay horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 afar jeer oo hal mar ay ahayd Monaco, waxaana uu ka garab ciyaarayaa Karim Benzema oo ah muhanni ka caawin kara inuu goolal badan dhaliyo iyo Griezmann.

Xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday waxa uu dhaliyey 27 gool 31 ciyarood oo uu saftay.

44 ciyaarood ayuu u saftay xulka qaranka Faransiiska waxaanu dhaliyey 17 gool oo afar ka mid ah ay ahaayeen Koobkii Adduunka 2018.

Romelu Lukaku oo isaguna 24 gool oo horyaalka Serie A ah dhaliyey xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday, kuna guuleystay xiddigii ugu fiicnaa horyaalkaas ayaa ku jira ciyaartoyda Kane ku haysata kabta dahabka ah.

Cristiano Ronaldo ayaa ah ciyaartoyga saddexaad, waxaana uu laacibka reer Portugal kusoo guuleystay kabta dahabka ah ee Serie A xilli ciyaareedkii tegay, waxaana goolkii uu ka dhaliyey Israil toddobaadkan uu ahaa midkiisii 104aad ee Portugal uu u saxeexo, waana ciyaartoyga labaad ee abid ugu goolasha badan qaramada, iyadoo shan gool oo kaliya uu u jiro Ali Daei oo rikoodhkan haysta.

Inkasta oo heerkiisa dhalinta goolasha iyo tamartiisuba hoos u dhacday maadaama uu 36 jir yahay, haddana Ronaldo ayaa wali ah ciyaartoy dhalin kara goolal badan oo kabta dahabka ah ku guuleysan kara.

Ciro Immobile oo Talyaaniga afka hore uga ciyaara ayaa 13 gool u dhaliyey qarankiisa 46 ciyaarood oo uu saftay. Saddex ka mid ah goolashan waxa uu saxeexay sannadkan 2021.

Robert Lewandowski oo 41 gool oo Bundesliga ah dhaliyey xilli ciyaareedkan, kuna guuleystay kabta dahabka ah ee Germany iyo midka Yurub intaba ayaa waxa uu tartan kula jiraa Kane si la mid ah ciyaartoyda kale ee sare ku xusan.

119 ciyaarood oo uu u saftay dalkiisa waxa uu u dhaliyey 66 gool. Laakiin fursadda uu ku qaadi karayo kabta dahabka ah waxay ku xidhan tahay awoodda waddankiisa iyo halka ay ka gaadhi karayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More