SAXEEXII SANADKA: Waakan Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Horyaalka Premier

Manchester Metropolis ayaa hal lug lasii gashay kulanka kama dambaysta ah ee UEFA Champions League kaddib markii ay guul 1-2 ah kasoo gaadheen dhigooda Paris Saint-Germain iyaga oo waliba marti u ah.

Kevin De Bruyne iyo Riyad Mahrez ayaa labada gool usoo saxeexay Sky Blues qaybtii dambe ee ciyaartaas iyaga oo guul soo laabasho ah sameeyay.

Si kastaba, xiddiga markale si cajiib ah hawshiisa safka daafaca uga watay ayaa ahaa saxeexii xagaagii 2020 ee kooxdaas ee Ruben Dias kaas oo muujinaya in lacagtii 64.3 Milyan pound-ka ahayd ee laga soo bixiyay ay ahayd mid jaban.

Dias ayaa si fudud loogu sifayn karaa saxeexii ugu fiicnaa ee ay koox Premier League ahi samayso suuqii xagaagii hore.

Ruben oo Manchester ugu soo biiray heshiis rekoodh ah kagana yimid dhinaca kooxda Benfica ayaa ahaa asaaska daafaca xasiloon ee ay tabaysay kooxdaasi xilli ciyaareedkii hore,

23 sano jirkaas ayaa hubaal ku raaxaysanaya wixii uu kooxdaas ka filayay, xaqiiqada ah inuu sheegay inuu jecel yahay guusha ayay abaalmarin u tahay in kooxdiisu ay saddexley koobab ah u tartamayso xilli ciyaareedkan.

Sky Blues ayaa koobkoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan 25-ka bishii April xaqiiqsaday kaddib markii ay guul 1-0 ah ka gaadheen Tottenhan Remaining-ka Carabao Cup.

Dias ayaa kamid ahaa daafaca kulankaas shabaqa nadiifta ah ku baxay ee beeniyay Harry Kane, Son Hueng-Min iyo asxaabtooda kale oo ciyaarta oo dhan kaliya 2 darbo sameeyay.

Dias ayaa xilli ciyaareedkan kulamada Champions League muhiim uga ahaa kooxdiisu inay aamusiiso xiddigo heer-caalami ah sida Erling Haaland, Kylian Mbappe iyo Neymar Junior.

Metropolis ayaa xilli ciyaareedkan oo dhan horyaalka kaliya 24 gool laga dhaliyay waana kooxda goolasha ugu yar qaabishay Premier League halka Champions League ilaa haatan kaliya 4 gool shabaqooda la taabsiiyay.

Daafaca Metropolis ayaa ah mid si gaar ah u fiican marka uu Dias ciyaarayo, 45 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u ciyaaray ayaa kaliya 23 gool laga soo dhaliyay taas oo ka dhigan inay cel-celis ahaan wax hal gool ka yar (0.5) aqbalayeen kulankiiba halka kulamada uu ka maqan yahay cel-celis ahaan (1.1) laga dhaliyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More