SAADAAL Culus: Tremendous Pc Oo Saaaaliyay Min Labada Kulan Ee U

Aalada casriga ah ee Tremendous Pc ayaa saadaalisay min labada kulan ee Premier League ee u hadhsan saddexda kooxood ee kala ah Liverpool, Chelsea iyo Leicester Metropolis oo kaalmaha saddexaad iyo afraad ku dagaalamaya.

Liverpool ayuu goolhayaheeda Alisson Becker kor u qaaday hammigeeda ka qayb-galka Champions League kaddib markii uu daqiiqadii 95-aad ee ciyaarta gool madax ah ka dhaliyay West Brom daqiiqadii 95-aad.

Iyadoo kooxda Jurgen Klopp ay hadda booska shanaad ee kala sarreynta joogto ayay hal dhibic oo kaliya u jirtaa Chelsea oo afraad joogta halka ay saddex dhibcood u jirto Leicester Metropolis oo saddexaad fadhida.

Labada kulan ee u hadhsan Liverpool ayaa ah Crystal Palace iyo Burnley, farxada Reds ayaa ah in Chelsea iyo Leicester qudhoodu ay isu hadheen oo ay caawa wada ciyaarayaan halka labada kale ay la kala ciyaari doonaan Tottenham oo Foxes la balansan iyo Aston Villa oo Blues la dheeli doonta.

Haddaba, Tremendous Pc ayaa aad uga farxiyay Liverpool oo uu booska saddexaad u rajeeyay isaga oo qaba inay guulo ka gaadhi doonto Burnley iyo Palace.

Sidoo kale kooxda uu booska afraad u saadaaliyay ayaa ah Leicester isaga oo meesha gabi ahaanba ka saaray Chelsea oo uu doorka shanaad u rajaynayo.

Saadaasha ayaa ah in caawa ay Foxes iyo Blues bar-bardhac ku kala bixi doonaan ciyaarta Stamford Bridge ka dhacaysa sidoo kalena ay labadooduba Aston Villa iyo Tottenham markale la bar-barayn doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More