Roy Keane Oo Ku Dhaleeceeyay Aubameynag Magacii Uu Ugu

Roy Keane ayaa ku canaantay kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang inuu tababare Mikel Arteta ugu yeeray magaciisa koowaad.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta iyadoo Arsenal ay 1-0 ku garaacday Manchester United kulankii Axada ee Old trafford ka dhacay.

`

Aubameyang ayaa tababarihiisa ugu yeeray Mikel isagoo ka hadlayay guushoodii Old Trafford.

Weeraryahanka oo dhaliyay goolkii rigoorada ee guusha keenay ayaa yiri:

“Koox shaqo fiican ayay qabatay. Qof walba dadaalkiisii ugu fiicnaa ayuu soo bandhigay, waana sababta aan u badinay.

“Waan ogeyn tan iyo bilowgii inay qasab tahay inaan aamino qorshaha cusub.

“Mikel wuxuu keenayaa waxyaabo aad u fiican, waana nagu qasab inaan raacno.”

Laakiin Keane oo 49 sanno jir ah ayaan la dhicin sida uu u magacaabay tababarihiisa xilligii uu wareysiga bixinayay.

Khabiirka SKy Sports ayaa yiri: “Ma aysan u muujinin ixttiraam markii ay ugu yeereen magaciisa koowaad Mikel.

“Waa maamulaha, waa madaxa kooxda, waa tababaraha. Waa in sidaas loogu yeero, taasi ayaana ah ixtiraam. Ma ahan inay yiraahdaan Mikel, ma ahan saaxiibkaa.”

Markii la weydiiyay haddii waqtigaan casriga ah ay tahay sida tababaraha loogu yeero, Keane ayaa ku jawaabay: “Maya. Ixtiraam ayaa la rabaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More