RIKOODH: Kai Havertz Oo Rikoodh Cusub U Dhigay Euro Kulankii Ay Ku

Xiddiga da’da yar ee xulka qaranka Germany ee Kai Havertz ayaa sameeyey taariikh cajiib ah kaddib markii uu waddankiisa ka caawiyey inay 4-2 ku garaacaan Portugal oo gool kala hormartay kulankii xalay ee group-ka dhimashada ee Euro 2020.

Kai Havertz ayaa xilli ciyaareedkii 2020-21 ee Chelsea waxa uu kusoo xidhay goolkii uu ka dhaliyey finalka Champions League ee kooxdiisu ay ku qaadday koobka, haddana waxa uu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee Jarmal ah ee gool ka dhaliya tartanka qaramada Yurub ee Euro.

22 jirkan ayaa su’aalo la iska weydiinayey badhtamihii xilli ciyaareedkii hore, waxaana isweydiinta ugu badan ay ahayd haddii uu awoodi karayo inuu muujiyo sababta ay Chelsea uga soo bixisay £70  milyan oo Gini, laakiin taas ayuu ku xaqiijistay markii uu kooxdiisa ku hoggaamiyey guusha, isla markaana uu isku qoray taariikhda dalkiisa.

Sidee ayuu Havertz u sameeyey taariikhda?

Havertz ayaa sameeyey bandhig cajiib ah kulankii weynaa ee Germany iyo Portugal ee Sabtidii, waxaanu qaybtii hore ku qasbay Ruben Dias inuu gool iska dhaliyo si ay u barbarreeyaan goolkii uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyey.

22 – Aged 22 years and 8 days old, Kai Havertz is Germany’s youngest ever goalscorer in a European Championship game, and youngest at any major tournament (World Cup/Euros) since Thomas Müller against Uruguay at the 2010 World Cup (20y 300d). Talent. #GER #EURO2020 pic.twitter.com/Y6nAj0FLSF

— OptaJoe (@OptaJoe) June 19, 2021

Kulankan ka dhacay garoonka Allianz Arena ayuu qaybtii dambe isku qoray taariikhda kaddib markii uu lugta u adeegsaday inuu dhaliyo kubbad uu soo dhigay Robin Gosens oo ahaa laacibkii ugu wanaagsanaa kulankaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More