Real Madrid Oo Natiijo Niyad-jab Ah Ka Keentay Ciyaartii Labaad Ee

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ciyaartay kulankii labaad ee saaxiibtinimo ee xagaagan, kuwaas oo ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedka dambe.

Los Blancos ayaa xalay la ciyaartay kooxda reer Spain ee Rayo Vallecano, waxaanay u ahayd kulankii labaad, laakii natiijada kasoo baxday ayaan ahayn mid ka farxisay Ancelotti iyo jamaahiirta oo rajaynayay inay sameeyaan bandhig dhoolatus oo kale ah.

Real Madrid oo ay fasax kaga maqan yihiin tiro ciyaartoydeeda waaweyn ee ka qayb-galay tartamada Copa America iyo Euro 2020 ayaa waxay lasoo shir-tagtay saf ka kooban ciyaartooyo da’yar u badan oo ay tarraxaan laacibiintii aan lagu darin xulalkooda iyo kuwii aanay waddamadoodu ka qayb-gelin tartamadaas.

Carlo Ancelotti ayaa ciyaartan kusoo bilaabay shax ka koobnayd: Andriy Lunin, Alvaro Odriozola, Victor Chust, Nacho, Marcelo, Antonio Blanco, Isco, Martin Odegaard, Lucas Vazquez, Sergio Arribas iyo Juanmi Latasa, waxaanay kusoo dhamaatay natiijo barbarro 1-1 ah.

Isco ayaa isku muujiyey kulankii labaad ee uu ciyaaro xagaagan, waxaanu ahaa laacibka kooxdiisa ka badbaadiyey in ay guul-darro xambaarato, isagoo si fudud goolka ugu hubsaday rikoodhe loo dhigay kooxdiisa kaddib markii laacibka da’da yar ee Juanmi Latasa lagu galay qalad isagoo ku jira xerada ganaaxa.

Rayo Vallecano ayaa keentay barbarraha oo ahaa hadiyad uga yimid difaaca da’da yar ee Real Madrid ee Victor Chust oo goolkiisa ku leexiyey kubbad uu dhinaca kasoo qaaday Alvaro Garcia.

Laba ciyaarood oo kale oo saaxiibtinimo ayaa Real Madrid u hadhsan, waana naadiyo waaweyn oo kulamadoodu ay qiimayn dhab ah yeelan doonaan.

Kulanka hore ayay Axadda toddobaadka dambe ee July 25 la ciyaari doonaan kooxda haysata horyaalka Scotland ee Rangers, waxaana ugu xigi doonta AC Milan oo iyagana ay ballansan yihiin maalinta Axadda ee August 8.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More