Real Madrid Oo Guul-darro Ku Bilaabatay Champions League,

Real Madrid ayaa guul-darro ku bilaabatay tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana 3-2 ku garaacday kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk oo ugu timid magaalada Madrid.

Zinedine Zidane ayaa ciyaartii labaad oo xidhiidh ah ay kooxdiisu guul-darro la kulantay, iyadoo ay waliba kusoo fool leedahay Barcelona oo Sabtida ay ku wada ciyaari doonaan Camp Nou.

Shakhtar ayaa ciyaarta ku hoggaaminaysay 3-0 qaybtii hore, waxaana goolka hore u dhaliyey Tete daqiiqado ka hor intii aanu Varane iska dhalinin goolka labaad iyadoo mid saddexaadna uu u saxeexay Solomon.

Real Madrid ayaa qaybtii dambe laba gool ay u dhaliyeen Luka Modric iyo Vinicius Junior, laakiin daqiiqadihii waqtiga dheeraadka ayuu Valverde kooxdiisa u keenay gool saddexaad kaas oo dabbaal-deggiisii kaddib ay VAR ka saartay meesha.

Shaxdii labada kooxood

SHAKHTAR DONETSK (4-2-3-1): Anatoliy Trubin; Dodo, Valeriy Bondar, Davit Khocholava, Viktor Korniyenko; Marcos Antonio, Maycon; Marlos (captain), Manor Solomon, Tete; Dentinho.

Kaydka: Oleksiy Shevchenko, Marquinhos Cipriano, Mark Mampasi, Vitao, Heorhiy Sudakov, Denys Shostak, Danylo Goncharuk, Bogdan V’Yunnik, Andriy Pyatov.

REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Ferland Mendy, Raphael Varane, Eder Militao, Marcelo (captain); Luka Modric, Casemiro, Federico Valverde; Marco Asensio, Luka Jovic, Rodrygo.

Kaydka: Andriy Lunin, Nacho, Toni Kroos, Isco, Vinicius Junior, Lucas Vazquez, Karim Benzema, Diego Altube.

Tababare Zinedine Zidane ayaa isbeddel badan ku sameeyey safkiisa, waxaanu kaydka dhigay Karim Benzema, Vinicius iyo Toni Kroos, xilli ay dhaawacyo ku maqan yihiin Sergio Ramos, Carvajal iyo Odegaard.

Shakhtar Donetsk ayaa bilowgiiba waxay difaaca Real Madrid ku tijaabisay orod iyo farsamooyin si ay u hubiyaan inta ay le’eg tahay tayadooda difaac, waxaana usoo baxday in Varane uu wali u dawakhsan yahay sidii ciyaartii Manchester City ee xili ciyaareedkii hore oo ahayd kulankii ugu dambeeyey Champions League ee uu ciyaaro, waxaana uga sii darnayd in Eder Militao aanay isla haysan.

Khadka dhexe ee Real Madrid ayaa joojin kari waayey kubbado isku-dhiib ku dhisan oo orod badan ay adeegsanayeen laacibiinta Shakhtar Donetsk, waxaana garoonka ku dhex haftay Luka Jovic oo ciyaarta kusoo bilowday.

Daqiiqaddii 29aad ee ciyaarta ayay Shakhtar Donetsk ku guuleysatay inay goolkeeda koowaad ka dhaliso Real Madrid, waxaana hoggaanka u dhiibay Tete oo si fudud goolhaye Courtois u dhaafiyey goolhaye Thibaut Courtois, halkaas oo ay kooxda martida ahayd ka bilowday damaashaad.

Afar daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay Shakhtar u dabbaal-degtay goolka labaad ee ciyaarta, waxaana uu ahaa mid uu iska dhaliyey Raphael Varane oo isku dayayey inuu ka saaro kubbad uu soo tufay goolhaye Courtois, waxaana cidhiidhi kaga yimid Tete uu ku kallifay Varane inuu kubadda iska dhaliyo.

Dhibaatada Real Madrid ayaa halkeeda kasii socotay, waxaana mar kale laga dhaliyey gool saddexaad oo uu saxeexay Manor Solomon oo ciyaarta ka dhigay 3-0.

Qaybtii labaad ayuu Zidane soo raaciyey Karim Benzema, waxaanu inyar kaddib ka daba keenay Vinicius Junior, waxaanay labadan ciyaartoy isbeddel weyn ku sameeyeen ciyaarta iyadoo Real Madrid awood u yeelatay inay laba gool la timaado.

Luka Modric ayaa rajada Real Madrid soo nooleeyey daqiiqaddii 54aad, waxaana kubbad uu ka toogtay masaafo fog uu ku hubsaday shabaqa Shakhtar Donetsk.

Vinicius Junior oo soo galay daqiiqaddii 59aad ayaa 14 ilbidhiqsi oo kaliya markii uu garoonka ku jiray Real Madrid u dhaliyey goolka labaad afar daqiiqadood kaddib goolka hore ee Luka Modric, waxaana Los Blancos sii gashay rajo kale oo weyn oo ah inay la iman doonaan goolka saddexaad oo ay ugu yaraan barbarro keeni doonaan.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay Real Madrid dhalisay gool uu dhaliyey Valverde, laakiin VAR oo laga soo hubiyey ayaa lagu arkay in Vinicius oo hor taagnaa goolhayaha uu is-yara dhaqaajiyey markii ay kubaddu ag-maraysay, sidaas darteedna waxa lagu qaaday OFFSIDE.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Shakhtar Donetsk

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More