Real Madrid ayaa cashar u dhigta Atletico Madrid iyo kooxda

Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda deriskeeda ah ee Atletico Madrid oo ay 2-0 uga adkaatay Alfredo di Stefano.

Casemiro qeybtii hore iyo goolhayaha Atletico Jan Oblak oo iska dhaliyay qeybtii labaad ayaa Real Madrid ka badisay deriskeeda Atletico Madrid.

Natiijada ayaa la micno ah in Real Madrid ay ku dhowdahay hogaanka horyaalka, kaliya seddex dhibcood ayey ka hooseysaa Atletico, oo weli hogaanka ku heysa 26 dhibcood, laakiin kooxda Diego Simeone ayaa kulan gacanta ku haysa.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si fiican iyada oo ay labada kooxoodba qaadayeen weeraro iyo rogaal celis xilli ay Real Madrid ahayd kooxda ugu fiican.

Wiilasha Zidane ayaa ciyaarta ku bilaabay meel sare waxayna weerareen inay hogaanka qabtaan.

Daqiiqadii 15-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Casemiro kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Atletico Madrid ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro fiican laakiin xiddigaha Real Madrid ayaa si fiican u difaacay.

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay Real Madrid oo ciyaarta ku hogaamineysa 1-0.

Atletico Madrid ayaa bilawday qaybtii dambe ee ciyaarta iyaga oo dhererkoodu sarreeyo, waxa ay weerareen Real Madrid iyaga oo abuuray fursado ay ku bar-barayn lahaayeen.

Laakiin Atletico nasiib uma yeelan inay wax gool ah ka dhaliso dariskeeda Real Madrid.

Daqiiqadii 63aad, Real Madrid ayaa heshay goolkeedii labaad markii goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak uu si qaldan ciyaarta uga dhigay 2-0 kooxda Zidane.

Atletico Madrid ayaa daqiiqadii ugu dambaysay Real Madrid u dirtay iyada oo ku qasabtay in ay samayso badbaadin fiican.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay guul muhiim ah oo ay Real Madrid ka gaartay deriskeeda iyo hogaamiyaasha horyaalka ee Atletico Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More