RASMI: Liverpool Oo Xiddig Mustaqbal Fiican Lahaa Dirtay & Kooxda Uu

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay iibka xiddigii kooxdeeda ee Harry Wilson oo kaga biiray dhinaca kooxda heerka labaad ee Fulham oo isha ku haysa inay deg-deg ugu soo laabato horyaalka Premier League oo ay dhawaan ka dhaadhacday.

Kaddib markii ay ka dhaadhaceen horyaalka isla markaana uu tababare Scott Parker kaga biiray dhinaca AFC Bournemouth, Fulham ayaa ku qasbanaatay talaabooyin deg-deg ah si iskugu diyaariso xilli ciyaareedka cusub.

Tababaraha cusub ee kooxda ee Marco Silva ayaa go’aamiyay in heshiis rasmi ah oo 12 Milyan oo pound ah loogu keeno Harry Wilson oo ay soo af-jareen ku dhawaad 16 sano oo uu Liverpool kasoo tirsanaa.

Kaddib xilli ciyaareedyo badan oo uu qaab amaah ah kaga maqnaa Liverpool oo uu kamid ahaa 2020-21 oo uu Cardiff City kusoo qaatay, Wilson ayaa kaliya laba kulan soo metelay kooxda koowaad ee Reds kaddib markii uu kusoo bilawday kulan League Cup ah sidoo kalena bedel ku yimid mid FA Cup ah.

Iibka Wilson ayaa ka dhigan inay Liverpool 30 Milyan oo pound ka samaysay iibka xiddigaha kooxdeeda suuqan kaddib markii ay direen Kamil Grabara, Liam Millar, Marko Grujic iyo Taiwo Awoniyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More