“Ciyaartoy Ahaan Iilamay Dhaqmin, Xataa Imay Soo Wicin Si Ay….”

Xiddigii hore ee Barcelona ee Matheus Fernandes ayaa kooxdaas ku bahdilay inay si xun ula dhaqantay isaga oo ka cadhaysan inay gabi ahaanba kansaleen heshiiskiisa iyaga oo aan wargelinin isaga.

23 sano jirkaas oo ay Barcelona lasoo wareegtay January 2020 ayaa loo sheegay in heshiiskiisii la kansalay bishii hore ee June isaga oo kaliya 17 daqiiqo oo kulan tartameed ah guud ahaan soo metelay mudada uu joogay.

Fernandes ayaa ahaa mid uusan isticmaalin tababare Ronald Koeman oo uusan xataa keydka soo fadhiisin balse arrinta kasii yaabisay ayaa ah in isaga oo aan ka warqabin heshiiskiisii la tirtiray isaga oo ku dooday inaan sida ciyaaryahan loola dhaqmin.

Fernandes oo il-wareedka Globoesporte uu weydiiyay qaabkii uu Barcelona kaga baxay ayaa ku jawaabay “Maan ogayn markii ay ii sheegeena maan rumaysan karayn”

“Guriga ayaan joogay, xaaskayga ayaanu banaanka isu raacaynay waxaanan helay fariimo iiga yimid kooxda oo laygu weydiinayay haddii aan Email-kaygii isticmaalo, waan u xaqiiyiyay kaddib waan helay farriinta”

“Maan fahmin, waxaan u diray maamulahayga iyo qareenkayga, waxay yidhaahdeen waa caydhin, wakhtigu wuu socday magacayguna saxaafada ayuu kasoo baxay, wax wadahadal ahi ma jirin, waxba may jirin, xataa imay soo wicin si ay ii yidhaahdaan iska warran iyo nabad-gelyo”

“Anigu markasta waan lahaa riyada aan Barcelona uga ciyaarayo ka carruur ahaan, markii aan halkaas tagay iyagu ciyaartoy ahaan iilamay dhaqmin, saxeexyada kale waa lasoo bandhigayay laakiin aniga layma soo bandhigin waanan ka cadhaysnaa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More