RASMI: Liiska Xulka Brazil Ee Tartanka Olympic, Neymar Oo La Diiday &

Garabka weerar ee kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa laga reebay liiska xiddigaha xulkiisa uga qayb galaya tartanka Olympic xilli lagu daray daafaca midig ee Dani Alves oo 38 sano jir ah.

Xiddiga ugu qaalisan dunida ayaa ahaa midkii shan sano kahor ku hoggaamiyay xulka Samba biladoodii ugu horreysay ee dahab ah ee tartanka Olympic qaybtiisa kubadda cagta.

Xulka Brazil ee la shaaciyay ayay layaab noqotay in meesha laga saaray Neymar iyadoo ciyaaryahanku uu hore u qirtay rabitaankiisa ah inuu ka qayb qaato.

29 sano jirkaas ayaa hadda xulkiisa ku hoggaaminaya tartanka Copa America iyagoo xalay guul 3-0 ah ka gaadhay dhigooda Venezuela xilli uu qudhiisu shabaqa soo taabtay.

Liiska Xiddigaha Uga Qayb Galaya Brazil Tartanka Olympic

Goolhayayaasha:Santos (Athletico PR), Brenno (Gremio)

Daafacyada: Dani Alves (Sao Paulo), Gabriel Menino (Palmeiras) Guilherme Arana (Atletico), Nino (Fluminense), Gabriel Magalhaes (Arsenal), Diego Carlos (Sevilla)

Khadadka Dhexe: Douglas Luiz (Aston Villa), B. Guimaraes (Olympique Lyon), Matheus Henrique (Gremio), Gerson (Flamengo), Claudinho (Red Bull Braga)

Weeraryahanada: Malcom (FC Zenit), Antony (Ajax), Paulinho (Bayer Leverkusen), Matheus Cunha (Hertha Berlin), Pedro (Flamengo)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More