RASMI: Koeman Oo Soo Saaray Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka Caawa &

Ronald Koeman ayaa soo saaray liiska xiddigaha Barcelona ee kulanka saaxiibtinimo ee caawa ay la ciyaarayaan Girona, waxaana uu kusoo daray mid ka mid ah saxeexyadii cusbaa ee ay xagaagan sameeyeen.

Barcelona ayaa garoonka Estadi Johan Cruyff oo ah garoonkeeda tababarka waxay ku qaabbilaysaa Girona waxaanay u noqonaysaa ciyaartii labaad ee saaxiibtinimo ee ay dheelaan xagaagan.

Tababare Koeman ayaa liiska ciyaartoydiisa waxa uu kusoo daray ciyaartoydii kulankii hore ka maqnaa qaarkood, sida Clement Lenglet, Antoine Griezmann iyo Frenkie de Jong, kuwaas oo usbuucii ugu dambeeyey tababarka ala qaadanayay kooxda.

Laakiin magaca sida gaarka ah u qabsaday warbaahinta ee lagu dhex arkay safka Barcelona ayaa ah weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo si bilaash ah ugu soo wareegay xagaagan.

Barcelona ayaa marka ay ciyaaraan kulankan, waxay u duuli doontaa waddanka Jarmalka oo ay July 29 kula soo ciyaari doonto Stuttgart ka hor inta aanay Spain kusoo laabanin August 2.

Ciyaarta ugu dambaysa ayaa waxay la ballansan yihiin Juventus oo ay August 8 ku kulmi doonaan garoonka Camp Nou kulan ay kala qaadi doonaan koobka Joan Gamper trophy oo ay sannad walba dhigto Barcelona.

Liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Girona ee caawa:

Goolka: Neto, Inaki Pena, Arnau Tenas.

Difaaca: Sergino Dest, Sergi Roberto, Gerard Pique, Samuel Umtiti, Clement Lenglet, Igor Gomes, Santi Ramos Mingo, Moussa Ndiaye, Arnau Comas, Alejandro Balde.

Weerarka: Memphis Depay, Antoine Griezmann, Rey Manaj, Yusuf Demir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More