Ramla Ali Ciyaar Kale Miyaa U Hartay Tartanka Olimbikada Ka Dib

Gabadha gashay taariikhda isboortiga Ramla Ali oo noqotay feeryahanadii ugu horeysay ee matasha Soomaaliya ayaa safarkeedii ciyaaraha Olimbikada waxa uu ku soo dhamaaday go’aan guuldarro oo la isku raacay oo ka soo gaartay gabadha lagu magacaabo Claudia Nechita.

Ramla oo 31 sanno jir ah ayaa noqotay feeryahanadii ugu horeysay abid ee ciyaaraha Olimbikada matasha Soomaaluyada laakiin waa ay awoodi weysay inay u gudubto wareegyada xiga ee feerka miisaaka fudud ka dib guuldaradii maanta ka soo gaartay gabadha reer Romania Nechita.

Ramla Ali oo taariikh dhigtay inkastoo laga badiyay

Wareegii koowaad, Ramla Ali waxaa dhibaato ku noqotay xawaaraha gacanta midig ee Nechita, taasoo ku bilaabatay si dardar leh.

Nechita ayaa sidoo kale koontarooleysay wareegii labaad iyadoo awood ku soo bandhigtay gacanteeda midig.

Ramla ayaa isku dayday wareegii seddexaad inay kala dhantaasho daafaca ay Nechita xiratay laakiin waa ay awoodi weysay inay soo yareyso farqiga natiijada ee garsoorayaasha.

Ramla Ali rikoodhkii guulaha ayaa laga jabiyay maanta

Ramla Ali oo ka hartay haatan tartanka feerka miisaanka fudud ee ciyaaraha Olimbikada ayaa laga jabiyay rikoodhkii guulaha ee ay ku bilaabatay waayaheeda ciyaarta feerka.

Tan iyo markii ay noqotay feeryahanad rasmi ah sannadkii la soo dhaafay, Ramla Ali waxay gaartay seddex guul oo isku xigta ka hor guuldaradii maanta.

Ramla Ali ayaa ka tageysa Tokyo iyadoo rumeysay riyadeedii aheyd inay ka qeybgasho ciyaaraha Olimbikada oo ay u soo baxeen ciyaarahanada ugu fiican dunida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More