Raganimo: Cristiano Ronaldo oo iska diiday

Wararka ayaa sheegaya in Cristiano Ronaldo uu abaal marinta laacibka sanadka ugu fiican siiyay Robert Lewandowski.

Xiddiga Juventus ayay ahayd inuu ku guuleysto abaalmarinta xaflad ka dhacday Dubai shalay ka dib markii taageerayaasha ay u doorteen ciyaaryahanka ugu fiican sannadka 2020.

Sida laga soo xigtay Tuttosport, si kastaba ha ahaatee, isaga iyo wakiilkiisa Jorge Mendes waxay go’aansadeen inaysan aqbalin abaalmarinta.

Sida laga soo xigtay wargayska reer Talyaani, Ronaldo iyo wakiilkiisa ayaa isku raacay in ay cadaalad daro ahayd, iyada oo sababta kaliya ee uu Ronaldo ugu guulaystay abaal marintaas uu ku mutaystay caannimadiisa laakiin Lewandowski ayaa isagu ku guulaystay.

Xiddiga reer Poland ee Lewandowski ayaa xilli ciyaareed cajiib ah soo qaatay 2019-20 waxana uu dhaliyay 55 gool tartamada oo dhan.

15-kii gool ee uu ka dhaliyay Champions League ayaa ka caawiyay Bayern Munich inay ku guuleysato koobkeedii lixaad.

Laakiin Ronaldo waligiis guriga ma aadin isagoon ku guuleysan ciyaaryahanka sanadka.

Isaga oo ka hadlaya xaflada, 35 jirkaan ayaa yiri: “Waxaan ciyaaray oo aan dhaliyay goolal 20 sano oo xiriir ah aniga oo xirfad yaqaan ah, ma aanan ogeyn inuu jiro rikoor cusub.

“Farxad ayey ii tahay inaan maqlo rikooradan kale. Wax walba waxaan kula guuleystey asxaabteyda kooxihii waaweynaa ee aan u soo ciyaaray.

“Waa guul fantastik ah, waxay i siinaysaa dhiirigelin aan ku sii socdo.

Magacaabistaada ciyaaryahanka ugu fiican sharaf weyn ayey ii tahay, waxaan rajeynayaa inaan ka bixi karno xaaladdan sanadka soo socda isla markaana aan wada raaxeysan doonno. Aad baad u mahadsan tihiin.

Waxaan rajeynayaa inaan awoodo inaan sii wado ciyaarista sanado badan oo soo socda. ”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More