Milatariga Suudaan wuxuu dib uqabsaday dhul

Wasiirka warfaafinta ee dalka Suudaan ayaa sheegay in Suudaan ay la wareegtay inta badan dhulkii ay ku eedeysay in ay horay u degenaayeen Itoobiyaanku, xadka ay wadaagaan labada dal.

Labada dal ayaa ku muransan dhul beereed ku yaal magaalada Al-Fashqa, oo ku taal xadka uu caalamku aqoonsan yahay ee Suudaan, laakiin hoy u ah beeraleyda Itoobiya.

Deegaanka ayaa dhawaanahan waxaa ka dhacayay dagaallo u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo kuwa Itoobiya, iyadoo labada dhinacba midba midka kale ku eedeynayo inuu billaabay rabshadaha

Labada dal ayaa wadahadallo ku yeeshay Khartuum horraantii toddobaadkan.

“Waxaan aaminsanahay in dhibaato kasta lagu xalin karo wadahadal, laakiin ciidamadeenu waxay gudan doonaan waajibaadkooda ah inay soo ceshadaan dhamaan dhulkeena, hada waxay dib ula wareegeen 60% ilaa 70% dhulkii Suudaan. Wasiirka warfaafinta Suudaan Faysal Saalax ayaa u sheegay Reuters.

Wuxuu sheegay in ciidanka Suudaan ay isdifaacayeen rabshadahana ay yaraadeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Warbixinta sirdoonka ee Suudaan waxay xaqiijineysaa in diyaar garowga, tababarka iyo hubka ee ciidamada soo weeraray aysan aheyn maleeshiyo ee ay ahaayeen ciidamo caadi ah. Ayuu yidhi Saalix

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Ato Demeke Mekonnen ayaa ku eedeeyay militariga Suudaan in ay qaadayeen weeraro tan iyo 9-kii Nofeembar.

“Beeraleyda Itoobiya dalagyadoodii waa la dhacay, xeryahoodii waa la weeraray waana laga hor istaagay inay dhulkoodii tabcadaan. Tiro dad shacab ah ayaa sidoo kale la dilay oo la dhaawacay,” ayuu yiri. Ayuu yidhi.

Reuters

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More