QIIMAYN: 30kii Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa Tartankii Euro 2020 Oo La

Kaddib muddo bil ah oo uu socday tartanka qaramada Yurub, waxa ugu dambayntii la caleemo-saaray Talyaaniga oo noqday horyaalka Yurub markiisii labaad taariikhda.

Roberto Mancini ayuu xulkiisa Talyaanigu rikoodheyaal ku garaacay England oo joogta garoonkeeda Wembley, waxaanay diiwaangashadeen taariikh cusub iyagoo 34 ciyaarood oo xidhiidh ah marnaba dhinacooda dhulka la dhigin.

Ingiriiska oo gool la homraray, waxa halgan la galay Marco Verratti oo dhexda kala goostay qaybtii dambe, iyadoo kubbad dhiibis, reebis iyo indho-furnaan uu ku dilay laacibiintii uu Gareth Southgate kusoo dagaal-tegay.

Qiimayn lagu sameeyey 30kii ciyaartoy ee ugu fiicnaa tartanka, waxa uu Verratti noqday ciyaartoyga kaalinta koowaad kaga jira, halka Cristiano Ronaldo oo qaatay abaal-marinta kabta dahabka ee tartanku uu isaguna ku jiro liiska.

Luke Shaw iyo Harry Maguire ayaa ku jira kaalmaha labaad iyo saddexaad oo soo raacay Marco Verratti, waxaanay afraad u rideen Cristiano Ronaldo oo dalkiisu wareeggii 16ka ku hadhay.

Halkan kaga bogo 30kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa tartanka Euro:

30. Pau Torres (Spain)

29. Thorgan Hazard (Belgium)

28. Pablo Sarabia (Spain)

27. Manuel Akanji (Switzerland)

26. Mikel Damsgaard (Denmark)

25. Luka Modric (Croatia)

24. Kalvin Phillips (England)

23. Gini Wijnaldum (Holland)

22. Thomas Meunier (Belgium)

21. Xherdan Shaqiri (Switzerland)

20. Mykola Matviyenko (Ukraine)

19. Jordi Alba (Spain)

18. Alvaro Morata (Spain)

17. John Stones (England)

16. Steven Zuber (Switzerland)

15. Pierre-Emile Hojbjerg (Denmark)

14. Robin Gosens (Germany)

13. Andriy Yarmolenko (Ukraine)

12. Jordan Pickford (England)

11. Raheem Sterling (England)

10. Leonardo Bonucci (Italy)

9. Aymeric Laporte (Spain)

8. Joakim Maehle (Denmark)

7. Harry Kane (England)

6. Jorginho (Italy)

5. Patrik Schick (Czech Republic)

4. Cristiano Ronaldo (Portugal)

3. Harry Maguire (England)

2. Luke Shaw (England)

1. Marco Verratti (Italy)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More