Premier League Oo Shaaciyey Siddeed Ciyaartoy Oo Ku
Weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka mid noqday xiddigaha ku tartamaya abaal-marinta xiddiggii ugu wanaagsanaa bishii September horyaalka Premier League, sidaas oo kalena saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah, gool-dhaliyaha Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang, garabka weerarka Man City ee Riyad Mahrez iyo shan ciyaartoy oo kale ayaa iyaguna ku tartamamaya abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa bishii hore.
- Advertisement -
Mane ayaa muujiyey bandhig indhaha soo jiitay bishii hore, waxaanu dhibaato usoo geystay difaaca kooxihii saddexda ahaa ee Liverpool ay ka hor tagtay, iyadoo uu ka caawiyey inay sagaal dhibcood kula raaxaystaan hoggaanka Leicester City oo kaliya farqiga goolasha kaga horreysa.
Xiddiga reer Senegal ayaa madaxa kaga istaagay Chelsea oo uu ka dhaliyey laba gool ciyaartii ay ku karbaasheen Stamford Bridge 2-0, waxaana uu bandhiggiisa layaabka leh ku celiyey ciyaartii Arsenal oo uu shabaqa soo taabtay.
Laacibkan oo qaab ciyaareed wanaagsan ku furtay xili ciyaareedkan cusub 2020-21, ayaa waxay xiddiga bisha ku tartamayaan laacibiinta kala ah Patrick Bamford oo Leeds United afka hore uga ciyaara, labada laacib ee Everton ee Dominic Calvert-Lewin iyo James Rodriguez. Waxa kale oo kula loollamaya labada laacib ee Leicester City ee Timothy Castagne iyo Jamie Vardy, halka weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane iyo Tariq Lamptey oo Brighton ay ay dhamaysteen liiska siddeedda musharax ee Sadio Mane uu hormoodka u yahay ee ku tartami doona xiddiga ugu wanaagsan bisha September.
Dhinaca kale, siddeedda ciyaartoy ee ku tartamaya abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa ayaa iyagana la shaaciyey, waxaana horboodaya Mohamed Salah iyo Aubameyang oo kasoo jeeda qaaraddan Afrika.
Salah ayaa ku tartamaya goolkii uu ka dhaliyey Leeds United, halka Aubameyang uu Fulham shabaqeeda taabsiiyey ciyaartoodii furitaanka horyaalka Premier League.
Riyad Mahrez ayaa isaguna Leicester City ka dhaliyey gool lagu tilmaamay inuu xataa noqon karayo midka ugu quruxda badan xili ciyaareedka.
Saddexdan ciyaartoy ee Afrikaanka ah ayaa waxay la tartami doonaan Jack Harrison oo Leeds United ka tirsan, Reece James oo Chelsea ah, Matheus Pereira oo West Brom u ciyaara, Marcus Rashford oo Manchester United ka tirsan iyo James Maddison oo Leicester City khadka dhexe uga dheela.