Pierre-Emerick Aubameyang Oo Jawaab Lagu Qancay Siiyay Toni

Toni Kroos ayaa weerar ku qaaday Pierre-Emerick Aubameyang qaabka uu u dabaaldego iyo maaskarada uu xirto mararka qaar marka uu gool dhaliyo.

Aubameyang ayaa caan ku ah inuu maaskaro ku qarsado sigsaanta islamarkaana uu la soo baxo marka uu gool dhaliyo isagoo xirta maaskaro ka sameyso Batman ama Superman.

Toni Kroos oo ka hadlay dabbaal-deggan ayaa dhaliil u jeediyey Aubameyang, waxaanu yidhi: “Anigu waxaan u arkaa inay tahay doqonimo weyn iyo maalaayacni. Waxa kasii daran inay ku qarsadaan sigsaanta.

“Aubameyang mar ayuu isagoo dabbaal-degaya xidhay maaskaro, aniga halkaas ayay iigaga dhamaatay.

“Sidoo kale, uma arko wax wanaagsan oo lagaga dayan karo. Waana maalaayacninimo.”

Aubameyang ayaa haatan ka jawaab celiyay weerarka ugaga yimid Toni Kroos isagoo siiyay jawaab qancisay dad badan. Aubameyang ayaa sheegay inuu dabaaldegaan u sameeyo wiilkiisa oo jecel daawashada kartoonada sida Superman, Black Panther iyo Batman.

Kabtanka Arsenal ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray: “Miyuu ninkaan Toni Kroos la yiraahdo leeyahay caruur? Xusuusnow inaan u sameeyay wiilkeyga dhow jeer, waana u sameyn doonaa mar kale.

“Waxaan ku rajeynayaa inaan caruur yeelato maalin uun oo aad ka farxin karto, caruurta iskuulka ma ilaawaan dabaaldegaan. Ha ilaawin maaskaro xiro oo badbaadi naftaada.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More