Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Man United Oo Qarka U Saaran Inay Heshiis Cusub Ka Saxeexato Bruno

Kubad sameeyaha kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ku dhaw inuu kooxdaas u saxeexo heshiis cusub oo uu mushahar ahaan toddobaadkii 200,000 oo pound ku qaadanayo.Wakiilka 26 sano jirkaas ee Miguel Pinto ayaa horraantii toddobaadkan soo gaadhay magaalada Manchester si uu qoddobo cusub iyo heshiis cusub oo mushahar ah laba jibaarka midkiisii hore ugala hadlo madaxda Man United sida uu sheegay wargeyska The Mirror.Fernandes ayaa ahaa mid si weyn wax ugu taray United tan iyo markii uu kusoo biiray January 2020 isaga…

GEERI Ka Dhacday Xafladii Dabaaldega Atletico Madrid Ee Xalay &

Dhacdo argagax leh ayaa xalay ka dhacday badhtamaha magaalada Madrid intii ay socdeen dabaaldegyadii hanashada horyaalka La Liga ee kooxda Atletico Madrid.Kumanaan taageerayaal ah ayaa iskugu soo baxay banaanka caasimada Spain kaddib markii ay kooxdoodu guul 2-1 ah kasoo gaadhay Real Valladolid iyaga oo si rasmi ah ugu guuleystay horyaalka.Dabaaldegaas ayuu ku geeriyooday wiil yar oo 14 sano jir ah oo kamid ahaa mucaashaqiinta Rojiblancos, sida uu sheegayo wargeyska El Pais, taageerahaas da’yarka ah ayaa saarnaa gaadhi…

“Man United La’aanta Harry Kane Horyaalka Way Ku Guuleysan Kartaa

Tababare Ole Gunnar Solskjaer kuma farxi doono haddii uu Harry Kane ku biiro koox kale oo ay horyaalka ku xifaaltamayaan balse Man United wali way ku guuleysan kartaa horyaalka la’aantii sida uu qabo xiddigii hore ee kooxdaas ee Owen Hargreaves.Hargreaves ayaa qaba in Man United ay u baahantahay saxeexyada garab midig, khad dhexe oo bur-buriye ah iyo daafac dhexe si ay horyaalka ugula loolamaan Man City.Man United, City iyo Chelsea ayaa ah saddexda kooxood ee la filayo inay isku dayaan saxeexa Harry Kane kaddib markii uu u…

DAAWO: Erling Haaland Oo Dhacdo Bini-Aadanimo Oo Aan Hore Uga Dhicin

Da’yarka weerarka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa shalay sameeyay dhacdo aan hore loogu arag kubadda cagta kaddib markii uu garanka ka bedeshay garsoorihii ciyaartii dhex martay Bayer Leverkusen.Xiddiga ree Norway ayaa laba gool kasoo dhaliyay ciyaar ay 3-1 uga adkaadeen Bayer Leverkusen iyadoo daafaca mudada dheer usoo ciyaarayay Dortmund ee Lucasz Piszczek uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeyay ee kooxda.Erling ayaa laba gool oo uu kulankaas kasoo dhaliyay ku gaadhay 41 gool xilli ciyaareedkan…

Ronald Koeman Oo Dhulka La Dhacay Kooxdiisa Barcelona & Ciyaaryahanadda Oo

Ronald Koeman ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey Barcelona ee 2020/21 uu kusoo dhamaaday niyad-jab iyo kulamo guul-darrooyin ah oo waqti dambe iskugu xigay inkasta oo ciyaartii ugu dambaysay ay 1-0 ku garaaceen EIbar.Tababaraha reer Netherlands ayuu mustaqbalkiisu cirka ku laalaln yahay, iyadoo la sheegayo in shaqada laga caydhin doono isla toddobaadkan.Sidaas oo ay tahay, Ronald Koeman ayaa xalay weerar ku qaaday ciyaartoyda kooxda oo uu sheegay in aanay u qalmin in ay u ciyaaraan Barcelona, waxaanu yidhi: “Kooxdan…

Man United Oo Dalab Weyn Ka Gudbisay Harry Kane, Lautaro Martinez Oo

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Axad ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:Chelsea ayaa dib usoo cusboonaysiisay xiisihii ay u haysay laacibka khadka dhexe uga ciyaara West Ham ee Declan Rice, waxaanay doonaysaa in…

Chelsea Oo Lagu Soo Oogay Dacwad Halis Ah Oo Dhibco Lagaga Jarayo –

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo oogay dacwad sababi karaysa in laga jaro dhibco xilli kulankii ugu dambeeyey xilli ciyaareedka ay dheelayso, dagaalna ay ugu jirto in afarta sare ay ka mid noqoto.Chelsea ayaa rabashad iyo dagaal ay sameeyeen ciyaartoygeedu markii toddobaad muddo toddoba sannadood gudahood ah, waxaana hadda laga gudbiyey kiis anshax xumo oo la doonayo in lagu ciqaabo, si aanay mar dambe arrimo noocan oo kale ah u samaynin.Kulankii Stamford Bridge ee Salaasadii toddobaadkii hore ayay ciyaartoyda…

QIIMAYN: 50ka Difaac Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan, Dias Oo 9aad U

Difaaca Manchester City ee Ruben Dias oo la saadaalinayo in uu noqon doono ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa u dhacay kaalinta sagaalaad ee difaacyahannada ugu wanaagsan dunida, waxaana kasoo hormaray laacib kale oo isla kooxdaas ah oo bandhig fiican ka muujiyey garoomada.John Stones ayaa difaaca ugu wanaagsan ku garaacay Dias oo sagaalaad ku jira iyo Aymeric Laporte oo 16aad ku jira, waxaana kaalinta labaad soo galay Edmond Tapsoba oo u ciyaara Bayern Leverkusen.Stones oo ay da’diisu…

SAADAAL: Chelsea, Liverpool mise Leicester City – Kooxda SHANAAD

Waa kulamadii ugu dambeeyey horyaalka Premier League, waa halkii ay ku kala  baxayeen kooxaha kaalmaha saddexaad iyo afraad ee isku dheggan, waana halkii lagu go’aaminayay naadiyada ka ciyaaraya Champions League, Europa League  iyo tartanka cusub ee Europa Conference League.Horyaalka waxa maanta la guddoonsiinayaa kooxda kubadda cagta Manchester City oo waqti hore ku guuleysatay laakiin sugaysay inta tartanka lasoo dhamaystirayo, sidoo kalena Manchester United ayaa kaalinta labaad ku dhamaysatay, halka labada kooxood ee kale…

Ereyadii Uu Xalay Yidhi Luis Suarez Oo Ooyaya: “Hoos Ayey Ii Dhigeen

Luis Suarez ayaa qarsan kari waayey dareenkiisa markii uu Atletico Madrid ka caawiyey in ay ku guuleysato horyaalka LaLiga Santander Sabtidii.Weeraryahanka reer Uruguay ayaa dhaliyey goolkii labaad ee guusha soo laabashada ee ay ka gaadheen Real Valladolid, kaas oo ahaa midkiisii 21aad ee uu xilli ciyaareedkan saxeexo.Laacibkan oo ay Barcelona iska soo caydhisay xagaagii, iyadoo u sheegtay in uu weynaaday oo aanay doonayn in ay siiyaan mushaharooyinkiisa badan, waxa uu Camp Nou ka yimid isagoo ooyaya, isla markaana qolka…