WARKII LA SUGAYAY: Karim Benzema Oo Kashifay Go’aanka Zinedine Zidane

Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa shaaciyey waxa uu ka ogyahay go’aanka iyo mustabqlka tababare Zinedine Zidane oo la sheegayo in uu iska casilayo kooxdaas, kaddib markii uu xilli ciyaareedkoodu kusoo dhamaaday koobab la’aan.

Zinedine Zidane ayay warbaahinta qaarkood sheegeen in uu mar horeba go’aan ku gaadhay in uu iskaga tago kooxda, isla markaana uu ciyaartoyda kooxdiisa usii sheegay in uu tegayo markii ay soo dhamaatay ciyaartii Chelsea ee semi-finalka Champions League.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in uu tegi doono Juventus oo uu u ciyaari jiray ka hor intii aanu Real Madrid usoo wareegin sannadkii 2001.

Kaddib saddex Champions League oo xidhiidh ahaa iyo horyaalka LaLiga oo uu u qaaday, Zinedine Zidane ayaa sannadkii 2018 iska casilay Real Madrid oo uu joogay laba sannadood iyo badh, waxaase uu dib ugu soo noqday 2019 markii ay kooxdu mashaqo dhex-fadhiisatay.

Si kastaba, weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa shaaciyey in Zinedine Zidane aanu qorshihiisa ahayn in uu ka tago kooxda oo uu sii joogi doono.

Benzema oo la hadlay wargeyska Faransiiska ah ee L’Equipe ayaa yidhi: “Iima muuqato in uu tegayo. Ma tegi doono, waanaynu arki doonaa.”

Madrid ayaa xilli ciyaareedka 2020-21 waxay kusoo xidhatay iyagoon laga badinin 18 ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka LaLiga ah, waana guul-darro la’aantii ugu dheerayd tan iyo 2014kii, waxaanay guuleysteen 13 iyo 5 barbarro ah. Sannadkii 2014 ayaa iyadoo uu Carlo Ancelotti tababare u yahay, waxay badiyeen 15 kulan iyo saddex barbarro ah.

Karim Benzema ayaa 32 gool oo horyaalka LaLiga ah ku lug yeeshay xilli ciyaareedka dhamaaday, isagoo dhaliyey 23 gool iyo sagaal uu caawiye ka noqday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More