Difaaca reer Morocco ee Achraf Hakimi ayay jug soo gaadhay u diyaar-garowgiisa la qabsiga kooxdiisa cusub ee PSG iyo isku-diyaarinta xilli ciyaareedka dambe, kaddib markii uu ku dhacay Fayraska Korona.Baadhitaano maanta oo Sabti ahayd lagu sameeyey 22jirkan uu hayo Fayraska Korona, taas oo sida muuqata ku haleelay gudaha waddanka Faransiiska iyo kooxdiisa cusub dhexdeeda, sababtoo ah, waxa uu halkaas gaadhay July 6 oo uu u saxeexay heshiis shan sannadood ah oo ay kaga soo qaateen Inter Milan.Wargeyska L’Equipe ayaa shaacay,…