“Waxaan La Yaabanahay In Ben White Uu Arsenal Ku Biirayo, Isagu

Daafacii hore ee kooxaha Manchester City iyo Leeds United ee Danny Mills ayaa dhulka la galay daafaca dhexe ee Brighton ee Ben White kaas oo uu kula yaabay inuu ku biirayo kooxda tababare Mikel Arteta hoggaanka u yahay ee Arsenal.

Mills ayaa sheegay inuu White ka fiican yahay ciyaaryahan Arsenal ku biira isaga oo dhinaca kale layaab ka muujiyay in Manchester United oo daafac dhexe doonaysaa ay isaga dhinaciisa ugu dhaqaaqi weyday.

Warbixin ka timid kanaalka Sky Sports ayaa sheegaysa in 23 sano jirkaasi uu doonayo inuu kooxda ka ciyaarta waqooyiga London ku biiro walow ay Brighton markii hore laba dalab ka diiday Arsenal.

Brighton ayaa marka hore Gunners ka diiday dalabaad 40 Milyan oo pound iyo 47 Milyan oo pound ah isla markaana ugu dambayn labada kooxood ayaa ku heshiiyay 50 Milyan oo pound.

Dhinaciisa Ben White ayaa heshiiska shaqsiga ah oo uu shan sano qalinka ku duugi doono la gaadhay Arsenal, shaacinta saxeexa ayaa ah waxa kaliya ee u muuqda inay dhiman yihiin.

Si kastaba, Danny Mills ayaa qaba inay ahayd in Ben White uu hiigsado meel ka sarreysa Arsenal oo markii ugu horreysay mudo 25 sano ah ka maqnaan doonta guud ahaan tartamada Yurub.

Mills oo talkSPORT ka hadlayay ayaa yidhi “Waxa kaliya ee aan la yaabanahay waa in Ben White uu tagay Arsenal, aynu filano inuu halkaas joogi doono laba ama saddex sano ugu yaraan kahor inta uusan meel kale tagin, waxaan filayaa inuu sidaas ka fiican yahay”

“Sababtoo ah waxa uu haysan lahaa fursad wanaagsan oo uu wax ugu guuleysto, muxuu Arsenal kula guuleysanayaa? League Cup haddii uu nasiib leeyahay ama FA Cup”

“Waxaan filayaa inuu yahay ciyaaryahan khaas ah waxaanan filayaa inuu saxeex cajiib ah u yahay Arsenal, waxaan wax yar la yaabanahay in Manchester United oo raadinaysa daafac dhexe aysan isaga soo dalban”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More