Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Caawa Oo

Xanta suuqa kala iibsiga xagaaga ma ahan mid joogsato 24ka saacadood iyadoo warar cusub ay had iyo jeer ka soo kordhaan madaama ay kooxaha suuqa ugu jiraan xiddigo ay ku sii adkeeyaan kooxahooda.Hadaba waxaan caawa idiin soo uruurinay wararkii ugu danbeeyay ee ay warbaahinta Yurub ka qortay suuqa kala iibsiga xagaaga iyo heshiisyadii la dhameystiray saacadihii ugu danbeeyay.Manchester United ayaa isbuucaan dalab ka gudbin doona xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho laakiin dalabkooda lama dhageysan doono sida ay sheegtay…

Lionel Messi Oo Lagu Qalqaalinayo Inuu Luis Suarez Kula

Fekrada ku saabsan in Lionel Messi uu ku biiro Atletico Madrid islamarkaana uu u ciyaaro waa wax aan haatan maskaxda ka degeynin laakiin sidaasi si la mid ah cidna kuma fekereynin in Luis Suarez uu ka tagayo Barcelona kuna biirayo Atletico Madrid.Luis Suarez ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay Atletico Madrid isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiye ka noqday gool kale, sidaasi darteed meesha lagama saari karo in Messi uu isna maro wadada Suarez.Xiddiga reer Argentina ayaa hore u soo xirtay maaliyada Atletico Madrid…

Gary Neville Oo Bedelay Saadaashiisa Kooxda Hanan Doonta

Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa bedelay saadaashiisa hanashada horyaalka Premier League iyadoo kaliya seddex kulan la ciyaaray xilli ciyaareedka cusub.Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool, Everton iyo Leicester City ayaa dhamaantood wada badiyay seddexdii kulan ee la ciyaaray.Kooxdii sannadkii hore gashay kaalinta labaad ee Manchester City ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareed guul laakiin waxay guuldarro ceeb ah ka soo gaartay Leicester City oo uga badisay 5-2.Neville ayaa saadaaliyay ka hor bilowgii…

Qisadii Murugada Lahayd Ee Xafladdii Dhalashada Michael

Marka ay kooxdu ku guuleysato horyaalka, waxa laga fishaa inay isku duubnaato oo ay farxadda qaybsato, laakiin taasi kamay muuqanin naadigii tababare Jose Mourinho ee waqtigiisii Real Madrid, waxaana jiray qisooyin qaarkood murugo lahaayeen oo ciyaartoyda naf ahaantooda kala qaybiyey.Sannadkii 2012, Michael Essien oo uu Jose Mourinho ka keensaday Chelsea, isla markaana u haystay macallinka reer Portugal sida Aabbihii oo kale, ayaa waxa uu qaab amaah ah ugu wareegay kooxdaas, laakiin waxa uu istaagay cidlo markii ay…

Barcelona Oo Qarka U Saaran Saxeexa Xiddigii U Buuxin Lahaa

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qarka u saaran inay lasoo saxeexato xiddigii ay u doorteen inuu u buuxiyo booska uu banneeyey weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez oo dhamaadka toddobaadkii hore u wareegay Atletico Madrid.Barcelona ayaa dhawr ciyaartoy diiraddeedu saarnayd, waxaana ugu weynaa weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez, hase yeeshee markii lacagtiisa ay Inter Milan cirka ku shareertay ayay uga leexdeen laacibka garabka weerarka uga ciyaara Lyon ee Memphis Depay oo tababare Ronald Koeman uu aqoon…

Waa Kuma Frank Lampard Ay Ku Dagaallami Gaadheen Qolka

Koxoda kubadda cagta Chelsea ayaa ku wargelisay mid ka mid ah xiddigaheeda in aanay waxba oollin Stamford Bridge, kaddib markii ay tababare Frank Lampard isku dhex qabsadeen qolka lebbiska waqtigii nasashada ee ciyaartii ay barbarraha la galeen West Brom Sabtidii toddobaadkan.Lampard ayaa isbeddel degdeg ah sameeyey ciyaartii West Brom oo saddex gool lagala hor maray, waxaana qaybtii dambe kusoo bilowday Hudson-Odoi iyo Azpilicueta iyadoo aanay soo laabanin Kovacic iyo Marco Alonso, taas oo keentay in isbeddel ciyaareed ku…

DAAWO Yaabkan!! Garsoorihii Kulankii Liverpool vs Arsenal Ee

Garsooraha ree England ee Craig Pawson ayaa ahaa mid indhaha caalamka xaday intii ay socotay ciyaartii uu xalay dhex-dhexaadiyaha ka ahaa ee Liverpool vs Arsenal gaar ahaan xilli uu fursad cadaan ah qasaariyay weeraryahan Alexandre Lacazette oo kooxda London ka socotay metelayay.Lacazette ayaa baas cajiib ah ka helay Dani Ceballos iyadoo uu si fool ka fool ah u wajahay goolhaye Alisson Becker balse isku dayga uu sameeyay ayaa ahaa mid sahlan oo uu goolhayaha ree Brazil xakameeyay.Lacazette ayaa qaybtii hore ahaa geesiga…

Bruno Fernandes Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu Dhegaha

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa sharraxay sababta uu dhegaha u qabsado marka uu dhaliyo gool ee uu dabbaal-degga samaynayo iyo macnaha ay isaga u leedahay inuu qaabkaas u dabbaal-dego.Fernandes ayaa soo qabta labadiisa dhegood sidii uu wax dhegaysanayo oo kale, waxaanu dabbaal-deggiisani ahaa mid aanu marna ka baaqsanin intii uu joogay Manchester United ee uu goolasha u dhalinayay tan iyo dhamaadkii January.Xiddiga reer Portugal oo wax laga weydiiyey ayaa sheegay in dabbaal-deggan gaarka ah ay inantiisu u…

Fede Valverde Oo Ka Hadlay Tartanka Ka Dhexeeya Casemiro,

Fede Valverde, waxa uu kasbaday quluubta jamaahiirta kooxdiisa Real Madrid sannadkii hore oo uu bandhig cajiib ahaa muujiyey, waxaanu liiska halyeeyada isku daray markii uu sabab u noqday in kooxdiisu ay ku guuleysato Spanish Super Cup bishii December oo ay Atletico Madrid koobka ka qaadeen iyadoo uu naftiisa casaan ugu huray Valverde.Guushii koowaad ee Real Madrid ay xili ciyaareedkan gaadhay, waxay ahayd Sabtidii oo ay 3-2 dirqi ahaa adkaadeen, waxaana uu Valverde ahaa laacibka gool-dhalinta u furay kooxdiisa.Fede Valverde…

50ka Xiddig Ee Ugu Shacbiyadda Badan Isboortiga Oo Lasoo

Lionel Messi ayaa loo magacaabay kaalinta koowaad ee 50ka ciyaartoy ugu suuq-geynta wanaagsan dunida, waxaanu booska kala baxay Cristiano Ronaldo oo hore kaalintaas ugu jiray.Liiska 50ka laacib ee SportsPro’s 2020 oo lasoo saaray ayaa waxa kaalinta saddexaad kaga jira xiddiga kubadda kolayga NBA-da ee LeBron James, halka Neymar uu lixaad cidhiidhsaday, laakiin feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa si weyn usoo dallacay oo kaalinta toddobaad soo galay, iyadoo uu noqday feedhyahanka kaliya ee tobanka kaalmood ee…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More