DAAWO Yaabkan!! Garsoorihii Kulankii Liverpool vs Arsenal Ee

Garsooraha ree England ee Craig Pawson ayaa ahaa mid indhaha caalamka xaday intii ay socotay ciyaartii uu xalay dhex-dhexaadiyaha ka ahaa ee Liverpool vs Arsenal gaar ahaan xilli uu fursad cadaan ah qasaariyay weeraryahan Alexandre Lacazette oo kooxda London ka socotay metelayay.

Lacazette ayaa baas cajiib ah ka helay Dani Ceballos iyadoo uu si fool ka fool ah u wajahay goolhaye Alisson Becker balse isku dayga uu sameeyay ayaa ahaa mid sahlan oo uu goolhayaha ree Brazil xakameeyay.

Lacazette ayaa qaybtii hore ahaa geesiga Arsenal ee kulanka kaddib markii uu hoggaanka ugu dhiibay 1-0 isaga oo si buuxda uga faa’ideeyay qalad uu galay Andy Robertson.

Laakiin hoggaanka Gunners ayaan noqon mid wakhti badan waaray waxaana degd-deg goolka bar-bardhaca u keenay Liverpool Sadio Mane oo si sahlan goolka ugu qabtay darbad uu difaacay Bernd Leno oo uu Mohamed Salah soo laagay kahor intii uusan goolka labaad Andrew Robertson dhalinin.

Ugu dambayn ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay natiijo 3-1 ah iyadoo uu goolka saddexaad ee Liverpool dhaliyay Diogo Jota oo kulankiisii ugu horreeyay ee kooxdaas ee Premier League ah ciyaarayay.

Haddaba, kaddib fursada dahabiga ah ee uu qasaariyay Lacazette, jamaahiirta Arsenal ee indhaha gor-gorka ah leh ayaa arkay fal-celinta garsoore Pawson oo u muuqday mid aad uga niyad-jabsan inuu fursada qasaariyay Laca.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

Then there is this refree who betted on Arsenal bit Lacazette disappointed him 🤣🤣 #LIVARS pic.twitter.com/RmsRqW5IkR

— AuBRy♨️🇺🇬 (@aaubry256) September 28, 2020