Neymar Oo Sideed Bilood Xiriir Jaceyl Oo Qarsoodi Ah La

Wararka ka imaanaya Brazil ayaa sheegaya in Neymar uu xiriir furan la leeyahay gabadha fanaanada ah Gabily.

Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa la haasaawayay fanaanada 25 sanno jirka ah muddo sideed bilood ah sida ay sheegtay warbaahinta Brazil ee Extra.

Waxaa la sheegay in Neymar uu markii ugu horeysay Gabily oo magaceeda runta ah uu yahay Gabriel Batista uu kala xiriiraya Instagram ka hor inta uusan bilaabanin Korona Fayras.

Lamaanahaan ayaa la sheegayaa inay dhowr jeer kulmeen inkastoo socodkooda uu xadiday cudurka saameeyay dunida ee Korona Fayras.

Gabily ayaa u safartay Paris isagoo degtay huteel ay kula kulantay Neymar ka hor inta aysan dhowr maalmood degin gurigiisa iyada iyo asxaabteeda.

Markii ugu danbeysay ee ay waqti isla qaataan waxay ku kulmeen dalkooda Brazil.

Laakiin warbaahinta Brazil ayaa sheegeysa in lamanaahan ay go’aan ku gaareen in xiriirkooda uu noqdo mid furan taasoo la micno ah inaysan iyagu gaar isku noqon doonin.

Fanaanada oo ka soo baxday magaalada Rio de Janeiro ayaa heshiis u saxiixay shirkada Universal ee Brazil, albumkeedii ugu horeeyayay ayaa soo baxay horaantii sannadkan oo ay ku jiraan heesaha caanka noqday ‘Voce Gosta Assim’ iyo ‘Cansei de Ser Fiel’.

Dhanka kale Neymar ayaa ka fadhiya kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee xulka dalkiisa Brazil sababo la xiriira dhaawac uu ka qabo gumaarka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More