Neymar Oo Laga Ganaaxay Finalka Coupe de France Iyo Koobkii Ay PSG Ugu

Weeraryahanka PSG ee Neymar ayaa weerar  ku qaaday sharci-yaqaannada dalka Faransiiska kaddib markii laga ganaaxay kulanka finalka Coupe de France ee ay la ciyaari doonaan Monaco, kaddib markii uu qaatay kaadh digniin semi-finalkii toddobaadkan.

Neymar Jr ayaan kooxdiisa kasoo muuqan doonin finalka, waxaanay sababtu thaay in tirada kaadhadhka ganaaxu u buuxsameen, taasina keenayso in uu maqnaado hal kulan oo ah finalka.

Paris Saint-Germain ayaa raadinaysa in ay ku guuleysato Coupe de France xilli ay horyaalka kaga jiraan halis oo ay Lille ka horreyso saddex dhibcood xilli laba ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin, laakiin rajadooda ah in ay koobkan ka qadaan Monaco ayaa dhaawac soo gaadhay markii uu Neymar kaadh digniin ah qaatay kulankii Montpellier, kaas oo aanu moodayn in uu waxyeeli doono ciyaartiisa finalka laakiin uu dib ka ogaaday in uu ganaax u horseeday.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Instagram ayaa uu kusoo bandhigay sida uu uga niyad-jabsan yahay sharciga ciyaaraha ee Faransiiska.

“Waxa aan jeclaan lahaa in aan fahmo sababaynta wiilka ilaaliya kaadhadhka France! Wuxuu u qalmaa in bathroom sacbiyo. Waa rabash.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Maxaa bathroom ganaaxay Neymar?

Neymar ayaa kaadh digniin ah ka qaatay inkasta oo afar daqiiqadood oo kaliya uu ciyaaray semi-finalkii Montpellier, kaas oo lasoo geliyey daqiiqaddii 84aad.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa go’aansaday in uu soo geliyo Neymar xilli ay ciyaartu maraysay 2-2, taas oo keentay in rikoodheyaal la isla aadday ay PSG ku badiso 6-5.

Neymar oo aan ka war-qabin in tirada kaadhadhkiisu ay sababi doonaan in uu seego ciyaarta finalka ayaa qaaday kaadh kaddib markii uu ciyaartoy kale ku galay qalad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More