Muxuu Tababare Luis Enrique Ka Yidhi Inuu Sergio Ramos Iyo Dhammaan

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin sababtii uu guud ahaan xiddigaha Real Madrid uga cidhib-tiray liiska xiddigaha uga qayb galaya tartanka Euro gaar ahaan kabtan Sergio Ramos.

Enrique ayaa maanta shaaciyay 24-ka xiddig ee xulka Spain u metelaya Euro 2020 balse aan soo xulan hal ciyaaryahan oo Madrid ah isaga oo bedelkooda soo qaatay Aymeric Laporte oo dhawaan dhalasho u qaatay dalkaas.

Enrique ayaa sheegay in isaga shaqadiisu ay tahay inuu go’aano gaadho isla markaana uu isagu gaadhay go’aanka uu kaga tagayo Ramos.

Dhinaca kale Enrique ayaa ku dooday in Carvajal iyo Ramos uu ka qaadan lahaa Madrid haddii ay kulamo badan u ciyaari lahaayeen kooxda xilli ciyaareedkan halka uusan gabi ahaanba soo hadal qaadin Nacho Fernandez oo muhiim usoo ahaa Real bilahan u dambeeyay.

Enrique oo Ramos ka hadlayay ayaa yidhi “Waxaan eegaa sida ay ciyaartoydu u ciyaareen waxaanan gaadhaa go’aamadayda, waan hubaa inay jiraan qaabab kale oo arrimaha loo maro, shaqadaydu waa inaan go’aamo gaadho taasina waa waxa aan sameeyo”

Enrique oo ka hadlaya sidii uu Ramos ugu sheegay inuusan qaadanayn ayaa yidhi “Waxa uu ahaa wada sheekaysi xadaaradaysan”

Ugu dambayn isaga oo sababta uu guud ahaan Real xiddigaheeda uga tagay ayaa yidhi “Malaha haddii ay Carvajal iyo Ramos intaas in ka badan ciyaari lahaayeen liiska way ku jiri lahaayeen”

“Waan fahmayaa in koox kastaa ay doonayso in ciyaartoydeeda loo waco laakiin wakhtiyada qaar waxay weydiistaan ciyaartoydooda inaysan tagin (Xulka) sababtoo ah jadwalkooda sanadlaha ah ayay qasaysaa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More