Muxuu Ahaa Shilkii Naxdinta Lahaa Ee Ka Dhacay Wembley Ee Beddelay

Garoonka Wembley waxa ka dhacday arrin murugo leh oo beddeshay dareenka ciyaartoyda xulka qaranka England ee la ciyaarayay Croatia iyo taageereyaashii kale ee garoonka ku sugnaaba, taas oo saamayn ku yeelatay dareenkii farxadeed ee garoonka dhexdiisa lagu dareemi lahaa.

Garoonka ayaa waxa joogay taageereyaal tobannaan kun ah oo England taageerayay, kuwaas oo dawladdu u fasaxday kaddib markii la hubiyey inay qaateen tallaalka fayraska Korona, laakiin murugada ka dhacday garoonka ayaa ahayd isla taageereyaasha.

Mid ka mid ah taageereyaasha garoonka joogay ayaa kasoo dhacay dusha sare ee garoonka ee halkii uu ciyaarta ka daawanayay, waxaanu kusoo dhacay sagxadda hoose ee garoonka, halkaas oo uu kasoo gaadhay dhaawac halis ah.

Dhakhaatiirta garoonka joogtay ayaa u cararay dhinaca taageerahan soo dhacay, waxaana xaaladdiisa lagula tacaalay garoonka dhexdiisa, ka hor intii aan lagula cararin cusbitaalka.

Warbixin hordhac ah ayaa sheegaysa in xaaladda taageerahan ay halis tahay, laakiin warbixin rasmi ah ayaa  la filayaa inay soo baxdo saacado kaddib.

Afhayeenka garoonka Wembley Stadium ayaa sheegay inay UEFA si buuxda ugala shaqaynayaan baadhitaan lagu samaynayo shilkan ka dhacay garoonka dhexdiisa.

“Waxa aanu aragnay iyadoo lugihiisa uu kasoo laalaadiyey gidaarka saqafka {qaybta sare ee uu saarnaa}, kaddibna wuu soo siibtay, waxa uu ku dhacay dhulka, wax dhaqaaq ahna ma samaynayn. Wiil u dhowaa oo arkayay wax walba ayaa ooyayay oo indhihiisu ilmaynayeen.” Sidaa waxa wargeyska Evening Standard u sheegay taageere garoonka dhexdiisa joogay oo la socday xaaladda oo dhan.

Taageere kale oo garoonka joogay ayaa isaguna yidhi: “Maan arkaynin sida uu usoo dhacay laakiin waqtigii nasashada ayaan weydiiyey wiilal kale. Way argagaxsanaayeen. Waxa uu kasoo siibtay dusha sare, waxaanu ku dhacay kuraasta iyo shubka dhulka.

“Waxa uu dhacay waqtigii ciyaartu bilaabantay haddii kale waa la ogaan lahaa.”

Afhayeenka garoonka Wembley ayaa isaguna yidhi: “Waxa aanu xaqiijin karaynaa in mid ka mid ah taageereyaashii saarnaa dusha sare uu soo dhacay markii ay bilaabantay ciyaartii England iyo Croatia ee garoonka Wembley Stadium.

“Taageeraha waxa garoonka dhexdiisa lagu siiyey gargaar caafimaad, waxaana loo qaaday cusbitaalka isagoo xaalad halis ah ku jira.

“Wali waxa aanu wadnaa in aanu la shaqayno UEFA, si loo xaqiijiyo baadhitaan buuxa oo lagu sameeyo dhacdada, waxaananu sii wadi doonaa in aanu la socono xaaladda.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More