Mushaharka Lama Filaanka Ah Ee Uu Jadon Sancho Ka Qaadan Doono Man

Da’yarka cusub ee kooxda Manchester United ee Jadon Sancho ayaa mushahar wanaagsan ku qaadan doona kooxdiisa cusub balse mushaharkaas ayaan ahayn mid u dhaw wixii ay hore saxaafadu u sheegaysay.

Sancho ayaa sheegay inuu doonayo inuu United kusoo celiyo wakhtigeedii wanaagsanaa kaddib markii shalay si rasmi ah kooxdu u shaacisay heshiis 73 Milyan oo pound ah oo ay kula soo wareegtay.

Jadon ayaa Red Devils u saxeexay heshiis shan sano ah oo gaadhsiisan ilaa 2026 isla markaana ay kooxdu sanadka lixaad ku dari karto haddiiba ay u baahato waxaana uu mushahar ahaan u qaadan doonaa 175,000 pound toddobaadkii.

Kahor inta uusan si rasmi ah ugu soo wareegin Old Trafford, wararka hordhaca ah ayaa sheegayay inuu 21 sano jirkaasi mushahar ahaan 350,000 oo pound u qaadan doono.

Sancho ayaa sheegay inay riyo rumawday u tahay inuu ku biiro Manchester United isla markaana uu kalsooni ku qabo inuu kooxdaas kusoo celiyo halka ugu sarreysa ee kubadda cagta England.

Man United ayaa saxeexa Sancho doonaysay xagaagii hore balse kooxda ayaa awoodi weyday inay bixiso lacagtii 120-ka Milyan ee pound ahayd ee ay ku doonaysay Borussia Dortmund.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More