Miyuu Luke Shaw Ka Fiican Yahay Da’yarka Bayern Ee Alphonso Davies?

Daafaca bidix ee kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa qirtay in dhigiisa Manchester United ee Luke Shaw uu yahay mid isaga ka wanaagsan.

Shaw ayaa dib usoo nooleeyay waayihiisa ciyaareed isaga oo 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qaab ciyaareed heer sarre ah kusoo raaxaystay heer kooxeed iyo mid qaranba.

Davies ayaa ahaa mid isaguna horumar weyn soo sameeyay tan iyo markii uu horyaalka Maraykanka ka tagay una dhaqaaqay dhinaca Allianz Stadium balse 20 sano jirkaas Canadian-ka ah ayaa aqbalay inuu ka dambeeyo haatan dhigiisa English-ka ah.

Intii uu socday muuqaal uu kaga jiray bartiisa mareegta Tiktok, Davies ayaa yidhi “Waxaan arkay qoraal ah ‘Luke Shaw ayaa horreeya?’ maxay taasi ka dhigantahay, qofaw ii sharax, anigu marnaba maan fahmin taas, muxuu ka horreeyaa”

Kaddib mid kamida shaqsiyaadka ku xidhan ayaa faah-faahin siiyay Davies isaga oo ku yidhi “Waxay ka dhigan tahay wuu kaa wanaagsan yahay”

Markale Davies ayaa yidhi “Ohhhh, Ohh, haye, waan fahmay hadda, waxay ka dhigantahay wuu kaa fiican yahay, haa, waxaan u jeedaa wuu iga fiican yahay, isagu dhab ahaan waa ciyaaryahan wanaagsan”

“Hagaag markaa markasta oo aad tidhaahdaan ‘Luke Shaw wuu kaa horreeyaa, Robbo (Andy Robertson – daafaca bidix ee Liverpool) wuu kaa horreeyaa waxay ka dhigantahay wuu kaa wanaagsan yahay, hagaag, macne ayay samaynaysaa, macne ayay samaynaysaa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More