Miyay Liverpool Mudnaan Siin Doontaa Europa League Haddii Ay Ka

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay haddiiba kooxdiisu ay mudnaan siin doonto tartanka UEFA Europa League haddii ay awoodi waydo inay Champions League usoo baxdo xilli ciyaareedka dambe,

Klopp ayaa ka hadlay fursada kooxdiisu ay Champions League ugu soo bixi karto xilli ciyaareedka dambe isaga oo sheegay in xataa haddii ay guuleystaan shanta kulan ee hadhay ay ku filnaan weydo.

“Shan guulood naguma filnaan doonaan, waxay ku xidhantahay waxa ay kooxaha kale sameeyaan laakiin shan guulood la’aantood wax fursad ah ma haysano” ayuu yidhi Klopp oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka horreeya kulanka Man United.

Haddii ay ku guuldarraystaan usoo bixitaanka Champions League, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee ay afarta sarre seegaan tan iyo 2016.

Klopp ayaa ka hadlay sida uu tartankaasi kooxaha ugu adkeeyo kulamada horyaalka maadaama oo ay Khamiista ciyaarayaan kaddibna Axada horyaalka markale ciyaaraan.

Sidoo kale Jurgen ayaa sheegay in kooxdiisa oo dhawaan shaacisay inay khasaare 46 Milyan pound ah gashay uu dhaqaalaheedu sii xumaan doono haddii ay CL ka hadho oo au EL gasho.

Laakiin tababaraha ree Germany ayaa sheegay in haddiiba ay Europa League u dhacaan ay u tartami doonaan koobkaas oo aysan xaqiri doonin.

“Kuma fikiri doono (Oo ma odhan doon) ‘Maaha inaanu ciyaarno midkaas’, maya maya, maya, waa tartan cajiib ah, anigu kamaan fikirin sababtoo ah waan ogahay walow aysan xataa u badnayn haddana waxa jirta fursad yar (Oo Champions League ugu soo bixi karno)”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More