Mishiinka Cusub Ee Zidane Ka Istaadhay Real Madrid, Xiddiga

Markii ay BBC-dii weerarka ee Karim Benzema, Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo ay dhalinayeen goolasha ugu badan ee Real Madrid ee ay sida xidhiidhka ah kooxdu ugu guuleysatay saddexda Champions League, saddexda ciyaartoy ee khadka dhexe ee Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa ahaa fureyaasha iyo maskaxda uu isticmaalayay Zinedine Zidane.

Tan iyo intii ka dambaysay finalkii Champions League ee 2018 ee magaalada Kiev, labadan qaybood ee muhiimka u ahaa guulaha Real Madrid ba hoos u dhac iyo burbur ayaa ku yimid. Weerarka waxa ka baxay Cristiano Ronaldo oo tegay Juventus, halka Benzema iyo Bale ay noqdeen kuwo miciyihii qaniinyadu ka dhamaadeen. Laakiin khadka dhexe ayaa iyagoo xaadir ah Casemiro, Kroos iyo Modric waxay awoodi waayeen inay saamayntoodii hore oo kale yeesheen.

Xiddigo cusub ayaa kusoo kordhay oo dhiig cusub looga dhigay, waxaana ugu horreeyey da’yarka Fede Valverde oo isagoo yar ay lasoo saxeexdeen kaddibna ay carbisteen illaa uu xubin muhiim ah ka noqday kooxda. Labadii xili ciyaareed ee ugu dambeeyeyna waxa uu ka mid noqday ciyaartoyda khadka dhexe ee Zinedine Zidane uu ugu isticmaalka badan yahay.

Xili ciyaareedkan ayuu si joogto ah ugu soo bilaabanayay isagoo booskiisu aanu muran gelin illaa laga soo gaadhayay kulankii Valencia oo uu dhaawac ku seegay.

Wargeyska Marca ayaa warbixin uu ka diyaariyey khadka dhexe ee Real Madrid waxa uu ku kala saaray sida ay kooxdu ugu kala dhow dahay guulaha marka uu kala xusho tababare Zidane laacibiintiisa khadka dhexe.

Warbixintan waxa uu wargeysku ugu kala doortay xiddigaha Los Blancos mid walba saamayntiisa iyo doorka uu leeyahay, iyadoo uu ku bilaabay:

Ma jiro laacib kaga waqti badan daqiiqadaha uu ciyaaray fasal ciyaareedkan, waxaanu Valverde garoonka ku jiray 810 daqiiqadood oo dhamaan tartamada, waxaanu dhaliyey saddex gool. 11kii ciyaarood ee Real Madrid ee xili ciyaareedkan, waxa uu kusoo bilowday 9 ka mid ah. Waxa kale oo uu sameeyey 46 kubbad soo qabasho oo iyadoo laga dilay kooxdiisa uu dib ugu soo guuleystay inuu soo xoogsado oo ciyaartoygii sii watay uu kasoo qaatay, halka uu ku darsaday 15 goysmo oo guuleystay.

Ruug-caddaaga reer Croatia waxa uu kasoo muuqday dhamaan 11kii ciyaarood ee xili ciyaareedkan, kuwaas oo toddoba ka mid ah uu kusoo bilowday, inta kalena uu beddel kusoo galay. Labadii ciyaarood ee Barcelona iyo Inter Milan oo uu beddel ku yimid ayuu saamayn badan ku yeeshay ciyaarta.

Halyeygan da’du ay tirada kaliya uun u tahay, waxa uu dhaliyey laba gool, balse waxa layaab ah inuu yahay ciyaartoyga illaa hadda ugu baas-bixinta badan Real Madrid, waxaanu dhiibay 510 kubbadood oo ciyaartoygii uu u waday uu gaadhsiiyey, mana jiro laacib kale oo sidaas sameeyey. Waxa u dheer inuu sameeyey 20 fursadood oo goolal keenayay iyo inuu dhamaystay 17 goysmo, mana jirin ciyaartoy khadka dhexe ah oo sidaas sameeyey.

Zidane waxa dhaqan u ah inuu ku ciyaaro qaab ciyaaareedka 4-3-3, waxaana boos damaanad ah oo aan marnaba muran gelin haysta Casemiro. Laacibka reer Brazil ayaa tiir-dhexaad iyo rukun aasaasi ah u ah Los Blancos ciyaar kasta, waxaanu soo taagnaa illaa laga soo gaadhayay kulankii Mestalla Stadium ee Valencia ay sida xun ugu garaacday oo uu isagu ku maqnaa Korona Fayras. Hal gool oo uu dhaliyey iyo hal gool oo uu caawiye ka noqday ayaa buugga xili ciyaareedkan ugu jira. Balse inuu shaqadiisa qabsaday waxay caddayn u ah 67 kubbadood oo kooxdiisa laga soo qaatay ayuu dib u dilay oo uu ku guuleystay inuu ciyaartoydii kubadda haysatay xoog kaga qaato, mana jiro laacib kale oo Los Blancos ah oo shaqadaas oo kale qabtay.

30 jirkan reer Germany ee Toni Kroos, waxa uu hadda u muuqdaa inuu sii luminayo saamayntiisii badnayd. Sagaal kulan oo uu lix ka mid ah kusoo bilowday ayuu xili ciyaareedkan dheelay. Lixda kulan ee uu kusoo bilowdayna afar ka mid ah ayaanu dhamaysan oo la saaray iyadoo ciyaartu socota.

Laakiin Toni Kroos waa ciyaartoyga ugu hal-abuurka badan dhinaca fursadaha goolasha noqonaya, waxaanu sameeyey 21 jaanis, intaas ayaanu dheer yahay ciyaartoyda kale ee khadka dhexe.

Fursadihiisa wuu helay, laakiin Isco uma muuqdo inuu bustaha qoyan iska qaadi doono oo uu qaab ku helayo Real Madrid.

Laacibkan reer Spain ayaa kusoo bilowday labadii final ee Champions League ee 2017 iyo 2018, laakiin xili ciyaareedkan ayuu saddex kulan oo kaliya kusoo bilowday, saddexna uu beddel kusoo galay.

Martin Odegaard waxa uu kusoo bilowday labadii ciyaarood ee ugu horreeyey horyaalka LaLiga ee xili ciyaareedkan, intii ka dambaysay kulankii Real Sociedad na waxa haleelay dhaawac. Hadda dib ayuu taam ugu soo noqday, waxaana la filayaa inuu ka faa’iidaysan doono fursadaha maqnaanshaha Valverde oo dhaawac ah.

SAWIRKAN Kaga bogo qaabkii ay xiddigaha khadka dhexe ee Real Madrid usoo ciyaareen iyo natiijooyinka kulamada:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More